Maxkamada Ciidamada Puntland oo xukun dil ah ku riday 5 danbiile

Reading Time: < 1 minute

Dowlada Puntland ayaa shaacisay in Maxkamada Ciidamada ee Dowlad Goboledka Puntland ay ku xukuntay shan ruux xukun dil ah kadib markii lagu helay inay ka tirsanaayeen ururka Alshabaab. Raggan la xukumay ayaa kala ah Maxamed Xaashi Mu’min (Abu-dayib), Cabdulqaadir Axmed Ummal (Abu-Cabdalla), Maxamed Cali Cawke (Jeeri), Maxamed Cabdullaahi Ayaanle(Abbeyle) iyo Qaasim Jaylaani Al-turaabi.

Dhanka kale, dhagaysiga dacwada raggan ayaa ka socotay muddo labo cisho ah magaalada Gaalkacyo.Balse waxa ay maxkamadu sii deysay afar ruux kadib marki lagu waayay dambiga lagu soo oogay oo ahaa Alshabaabnimo. 21kii bishii aynu ka soo gudubnay ayaa sidan oo kale Maxkamada Ciidamada Puntland waxa ay ugu xukuntay shan ruux oo badankood dhalinyaro ah dil kadib markii ay maxkamadu sheegtay inay falal dil ah ka geysteen Puntland.