Maxkamad lagu magacaabo Paleis van Justtie ee ku taalo magaalada Hogue ee dalka Holland ayaa maanta markii labaad waxa ay ku adkeysatay xukun ay horay u dul dhigtay mid kamida shaqsiyaadka baraha bulshada ka caaya dadka Soomaalida.
Ninka lagu magacaabo Cabdulqaadir Cadde ayaa waxa ay maxkamada Paleis van Justtie waxa ay ku heshay danbi wey kaas oo ka dhigayo dimbiile ku kacay fal-danbiyeed keeni kara in muwaadin Soomaaliyeed naftiisa ku waayo.
Sida ay maxkamada cadeeysay Danbiile Cabdulqaadir Cadde ayaa muuqaal si weyn loogu faafiyay Baraha Bulshada ka soo duubay Muwaadinad Sooomaaliyeed oo lagu magacaabo Deeeqo Yaasiin.
Muqaalka uu soo duubay Cabdulqaadir ayuu argagaxisada Al Shabaab, iyo guud ahaan shacabka ugu yeeray inay dilaan Muwaadinad Deeqo Yaasin.
Wasiir Deeqo Yaasin oo ahayd Wasiirada Haweenka iyo Xuquuq-Insaanka dowladii hore ayaa soo bandhigtay Hindise Sharciyeedka looga soo horjeedo Dambiyada Galmada. Iyo dhibka loo geeysto haweenka Soomaalida.
Danbiile Cabdulqaadir ayaa racfaan ka qaatay xukunkii lagu riday bishii November ee sanadkii 2022. Dacwada Wasiirad Deeqo ayaa mudo sadax sano soo socotay.
Cabdulqaadir oo adeegsanayo qaabiil ayaa isku dayay inuu dacwada Wasiirada lagu xaliyo xal Soomaali si magaciisa uusan u galin hay’adaha cadaalada dalka Holland iyo guud ahaan dalalka Yurub. Laakiin wasiirad Deeqo Yaasin ayaa ku adkeeysatay in ayan marnaba ka tanaasulaynin dacwada, qabiilna uusan waxba ku lahaynin.
“Markii uu nolsheeyda halista galinaayay halkee buu jiray qabiilka hada doonayo inuu badbaadiyo ninkaan” ayay tiru Wasiirad Deeqo.
Wasiirada ayaa barteeda bulshada ku soo dhigtay fartiin ay uga hadleyso guusha ay maanta ka gaartay dacwada Maxkamada.
“Maanta waa markii labaad oo aan tago Paleis van Justtie, oo ku taal magalada Hague, aniga oo dacweynaya muwaadin Soomaali ah oo heysta dhalashada dalka Holland oo dambiga igu geystay baraha Bulshada” Ayay tiri Deeqo Yaasioin.
Waxa ay intaas raacisay, “Waa markii u horeeysay ee qof Soomaali ah oo qurbaha ku nool lagu soo oogo, laguna xukumo, laguna helo kiis dambiyeed, iyadoo loo sii marayo maxkamad dibadda ah, taasoo uu hindisay muwaadin Soomaaliyeed oo ku nool Soomaaliya”.
“Mar labaad, waxa aan rajaynayaa in kiiskani fariin adag u diro in Online & Offline tacadiyada lagula kaco haweenka ay yihiin dambiyo iyo dambiilayaasha ay tahay in lala xisaabtamo, iyadoo aan loo eegin halka ay ku nool yihiin. Xorriyatul qawlku waxa ay la timaadaa xaddidaad iyo masuuliyad” Ayay ku dartay Deeqo Yaasiin.
Waxa ay ku sii dartay, “Waxaan aad ugu faraxsanahay natiijada ka soo baxday racfaanka iyo in xukunkii la ansixiyay, waxaana mar kale maxkamadaha Holland ay muujiyeen in tacadiyada loo geysto Haweenka iyo Haweenka Siyaasiyiinta, ay yihiin dambi iyadoo aan loo eegin goobaha la isticmaalo.”
Dahir Calasow ayaa sida uu sheegay marti u ahaa dowlada Federalka Soomaaliya, isaga oo magaalada Muqdisho ay ku waardiyaynayeen ciidanka Nabadsugida Qaranka. Marka la fiiriyo go’aanka ka soo baxay maxkamada Hogue, way adkaan doontaa in Dowlad Federaalka Soomaaliya ay qaabisho ama ay xiriir la sameeyo ninkaan.