Gudoomiyaha Gobalka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Cabdiraxman Yariisow ayaa shaqo ka joojin ku sameeyay Guddoomiye ku xigeenkii Howlaha Guud ee Gobalka Banaadir Aadan Sheekh Cali Fiidow.
Shaqo joojintaan ayaa lagu sababeeyay amar diido, shaqo curyaamin uu ka wado Qeybta Howlaha Guud iyo Nadaafada Gobolka, shaqo joojin uu ku sameeyay Agaasimaha Waaxda Qorsheynta, isagoo aan la tashan Guddoomiyaha iyo joojinta mashruucii lagu dhisayay Garoonka Qoob Dooro ee degmada kaaraan.
Waxaa Si kumeel gaar ah Xilka Gudoomiye Ku xigeenka Hawlaha guud ku Sime looga sii dhigay Agaasimaha Guud ee waaxda hawlaha Guud ee gobalka banaadir Abdifitah Omar Halane
Xog-hoose oo ay heshay MOL ayaa waxaa ay sheegayaan in khilaaf xoogan oo soo kala dhex-galay C/fitaax cumar xalane iyo Fiidoow ay sababta in meesha laga saaro Fiidoow.