Maxeey tahay Sababta Wasiir Shaakuud Shaqadda Looga Joojiyay Shibna Looga Yiri Xildhibaan C/shakuur Mire oo ay Daroogada Iyo Lacagta Madoow Garoonka iskala Soo Dajiyeen!!

Reading Time: 2 minutes

Iyadoo dhowrkii Maalmood ee lasoo dhaafay la baahinaayay Warar sheegaya in Xildhibaan ka Tirsan Mudanayaasha Baarlamaanka iyo Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Ganacsigga ay Garoonka Aadan cadde kazoo dejiyeen Daroogo iyo Lacago Faalso ah  ayaa waxaa arintaasi ay sababtay in Wasiirka shaqada laga Fadhiisiyo

 Xassan Cali Kheeyre Ra’iisul wasaaraha Xukumada Soomaaliya ayaa galabta shaqo joojin ku sameeyay wasiir kuxigeenka Ganacsiga iyo Warshadaha, Maxamed Khaliif Diiriye ‘Shaakuud’. Ra’iisul wasaaraha ayaa shaqada ka joojiyay ninkaan kadib soo jeedin ka timmid xeer ilaalinta Qaranka sida uu xafiiskiisu faafiyay.

Wasiir ku xigeenka  iyo xildhibaan Cabdishakuur Cali Mire oo ay qaraabo yihiin madaxweyne Farmaajo ayaa ilaa hada la sheegay iney yihiin ragii dhaqaaqayay Dollarka Madoow iyo Daroogo.

Soomaaliya ayaa dambi ka dhigtay dhaqida iyo ka ganacsiga dollarka madoow waxaana xeerkaas saxiixay madaxweyne Xasan Sheekh horaantii 2015.

Hay’adda NISA  ayaa dhowaan garoonka Aadan Cade kasoo qabatay labo nin oo ka mida shirkad dhaqda Dollarka madoow. Ragaan ayaa la sheegay iney ka shifeen ragii howl galiyay oo madax ah.

shaqada laga joojiyay  Maxamed Khaliif Diiriye ‘Shaakuud’  ayaa sii hurinaya kiiskaan oo maalmahan ay si xoogan ugu daba jirto safaarada Mareykanku ku lee yahay Nairobi,waxaana suuragal ah in ay abuurto khilaaf xoogan

Shakuud qabiil ahaan waa Ajuuraan waxaana uu sidoo kale yahay mudane ka tirsan Baarlamanka Soomaaliya,waxaasa aad loola yaaban yahay sababta kaligiis uun loo beegsaday oo looga aamusay saaxiibkiisa .

Hadaba Su’aasha isweeydiinta leh ayaa waxaa ay tahay Maxamed Khaliif Diiriye ‘Shaakuud’ oo kaliya miyeey arag isha Xeer ilaalinta Misa Cabdishakuur Cali Mire waxaa uu Qaraabo la yahay Madaxweyne Farmaajo oo sidaas ayaa looga aamusay