Maxeey Tahay Sababta Shibta Ku Riday Kooxda Nabad Iyo Nolol

Reading Time: < 1 minute

Beenta iyo faanka oo ah wax iska raqiis ah oo an marnaba gaarin runta aya waxa maalmahan maqan oo hawada laga arki la’yahay qolyihii caadeystay been sheegida iyo faanka.

Kooxda Qiyaano Qaran oo ku caan ahaa faanka iyo qeylo dhaanta aya maalmahan waxa la baadi goobaya halka jaan iyo cirib ay dhigeen.

Inta badan maamulka sare ee Kooxda Qiyaano aya sameyn jiray fantasiyo ay ku bixiyaan lacagaha umada soomaaliyeed si warbaahinta lo mariyo dacaayadaha iyo faanka ay ku marin habaabinayaan Bulsha weynta Soomaaliyeed.

Dad badan aya is weydiiyay waxa aamusiyay Kooxda Qiyaano Qaran,waxaase muuqata in beeni raad eysan la heyn,waxaana dhamaaday Faankii lagu faani jiray oo mar waliba isago halnuuc ah meelaha lala tagi jiray.

Isku dhacyo xoogan aya hada ka dhex jira ka dib markii ay ku fashilmeeyn Mooshinka Gudoomiye Jawaari oo ay Xildhibanada Golaha Shacabka fashiliyeen.