Maxeey tahay sababta Maanta loo xiray Wadooyinka Muhiimka ah ee Muqdisho

Reading Time: < 1 minute

Qaar ka mid ah waddooyinka halboowlaha ah ee magaalada Muqdisho ayaa lagu soo waramayaa in ay xiranyihiin iyada oo la arkaro boqolaal shacab ah oo lugaynaya waddooyinka xiran.

Jidadka saakay xiran waxaa ka mid ah Shalaha KM4 Soobe halkaas oo lagu arkayo ciidamo aad u fara badan oo gaadiidka u diidaya marka laga reebo kuwa ay wataan saraakiisha dowladda.

Qaar ka mid ah dadka is ticmaala wadadaas ayaa MOL  u sheegay in xarunta dembi barista CID-da ay kusii xeroonayaan masuuliyiin tasna ay u malaynayaan in loo xiray wadadaas oo muhiim u aheyd isticmaalka magaalada oo dhan.