Maxeey Tahay Sababta loo Baajiyay Kullankii Jaaliyadda Jubbaland Ee Swedan Iyo Madaxweyne Axmed Madoobe!!

Reading Time: < 1 minute

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo Wafdi uu hogaaminaayo oo ka qeeyb galay shirkii Lagu qabtay Brussels islamarkaana looga hadlaayay Xaaladda Soomaaliya Ee Waqtigaan ayaa lagu Casuumay Xaflad Casho ah oo ay qaban qaabiyeen Jaaliyadda Reer Jubbaland Ee Ku Nool dalka Swedan.

Xaflad ay qorsheeyeen Jaaliyada Jubaland ee Sweden oo uu ka qeyb geli lahaa Axmed Madoobe ayaa baaqatay kadib marki Wasiirka Arimaha Dibada Sweden Margot Wellstorm oo ah xubin firfircoon oo ka tirsan Xisbiga Doogga (Green Party) oo u ololeeya Xaalufinta Dhirta & Nabaadguurka ay xisbigeeda iyo waaxyaha dhirta Ee Europe ay cadaadis ku saartay in Axmed Madoobe su’aalo laga weydiiyo Xaalufinta Dhirta & Dhoofinta Dhuxusha ee deeggaanada Jubooyinka ka jirta.

Sida aynu xogta ku heleeyno Qaar ka mid ah Qaaqlayaasha Kooxda Qiyaano Qaran  ee dulaalka ka ah  Dowlada ayaa Agaasimay in Sidaan wax u dhacaan waxaana ay ka cabsi qabaan in Hadii axmed Madoobe la Kulmo Jaaliyadda uu la wadaagi doono Xumaha Xukumadda

Axmed Madoobe oo xaalad caafimaad u aaday dalka Jarmalka ayaa ku wargeliyay Jaaliyada inuusan Sweden imaan karin sidaa darteed kullanka cashada ah la kansalo,islamarkaana dib loogu dhigo