Maxeey tahay Sababta Howl-gal ka dhan ah Al-shabaab loo qaadi La’yahay,Madaxweyne Farmaajo oo Shib-ka dhahay Balanqaadkiisii(Aqriso Xog-daahsoon)

Reading Time: < 1 minute

Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo waxaa uu kol hore Iclaamiyay dagaal ka dhan ah Al-shabaab si dalka looga saaro,waloow uu markii dambe Yiri’Ma Iclaamin dagaal ee waan faray Ciidmada,taasi oo aad loola yaabay waqtigaasi.

Dadka ayaa waxaa ay isweeydiinayaan Su’aalo badan taasi oo la xariirta Maxeey tahay Sababta hal deegaan looga saari layahay Al-shabaab tan iyo markii ay curatay Dowladda uu hogaamiyo Madaxweyne Maxamed C/laahi farmaajo Maadaama laga sugaayay in uu dalka oo idil Xoreeyo.

Maxamed C/laahi Farmaajo Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah Ee Soomaaliya ayaana rabin in dalka laga saaro al-shabaab sida ay qabaan qaar ka mid ah Saraakiisha Ciidamadda Xoogga Dalka,kuwaasi oo qaarkood nala hadlay ay Yiraaahdeen’’Madaxweynahu daacad kama ahan in al-shabaab dalka laga saaro’’

Waxaa la rumeeysan yahay in Al-shabaab ay xoogeeysteen in Markii uu xilka la wareegay,waxaana taas loo sababeeyn karaa Qatar oo la ogsoon yahay in ay taakuleeyso Argagaxisada taasi oo hadda ku xoogan Villa Soomaaliya