Maxeey tahay sababta Fasaxa loo geliyay Baarlamaanka Puntland ?

Reading Time: < 1 minute

Guddoomiyaha Baarlamaanka dowlad Goboleedka Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed Dhoobo-daarood ayaa Maanta oo Arbaco ah ku dhawaaqay in Xildhibaanada Puntland muddo saddex maalmood ah ay fasax yihiin.

Fasaxa la siiyay Xildhibaanada Puntland ayaa waxaa uu ka bilaabanayaan Maalinta barri ah, isla markaana waxaa Mudanayaasha lagu wargeliyay in dib la isugu soo laaban doono fadhiga Baarlamaanka Isniinta soo socota taariikhduna ay tahay 11-ka Bisha November.

Sidoo kale inta aan la fasixin Xildhibaanada ayaa Guddoonka Baarlamaanka Puntland waxaa uu magacaabay Guddi gaar ah oo qiimeynaya warbixinadii guddiyada joogtada ah ee maalmihii la soo dhaafay laga dhageystay.

Guddigaan ayaa waxaa uu ka kooban yahay 7 xubnood, kuwaasi oo laga dhex-magacaabay Xildhibaanada, iyagoona Isniinta soo socota fadhiga Baarlamaanka kusoo celin doona warbixin dhameystiran oo ku aadan tallooyinkii guddiyadu ay soo jeediyeen.