Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Maxamed Amar-dambe ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay xilligaan ku jirto dagaal adag oo kala dhaxeeyo Ururka Al-Shabaab
Waxa uu sheegay in dowladda Sidoo kale ay wado qorshaha tababarista iyo dib u dhiska ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo ay kala kaashanayaan saraakiil ka socota Midowga Yurub ee ku sugan Soomaaliya.
Hadalkaan ayaa Wasiirka Gaashaandhiiga waxa uu ka sheegay Munaasabad tababar loogu soo xiray Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya taas oo lagu qabtay Magalada Muqdisho