Maxeey qaban doonaan ciidamada cusub ee loo diyaarinaayo gobolka Banaadir!

Reading Time: < 1 minute

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in la diyaarinaayo Ciidamo Boolis ah kuwaasi oo sugaya amniga Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Raisulwaasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa xalay kormeeray xarumaha ay ciidamadda tababarka ku qaadanayana sida Iskuul Boliisiyo Degmadda Xamar Jajab,halkaasi oo ciidamo badan oo booliska kamid noqonaya maalmahaan uu tababar kaga socday.

Kheyre oo la hadlay Ciidamada Tababarka qaadanaya ayaa ku dhiirigaliyay sida ay diyaar-ka ugu yihiin difaaca dalkooda,wuxuuna sheegay in dhawaan ay lagu wareejin doono amaanka Magaaladda Muqdisho.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dadaal ku bixinaysa in ay sugto amaanka Magaalada Muqdisho, oo laba jimco ka hor ay qaraxyo ka dhaceyn.