Maxeey Aheed Sababtii Axmed Madoobe Uga Xanaaqay Shirka Baydhabo!!

Reading Time: < 1 minute

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam  (Axmed Madoobe) ayaa lagusoo waramayaa in uu ka baxay shirka amnigga qaranka  ee ka socda Magaalada Baydhaba Ee Xarunta Maamulka KMG ah ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Axmed Maxamed Islaam  (Axmed Madoobe) Madaxweynaha Maamulka Jubbaland  ayaa diiday qaar ka mid ah Qodobadii lagasoo saaray Shirka ee Hor-dhaca ahaa kuwaasi oo u cuntami waayay hase’yeeshee Hadalkiisa dheg jalaq looma siin.

Masuuliyiin uu ka mid yahay Madaxweynaha Maamulka Jubbaland  ayaa shirka banaanka iskaga baxay  waxaana dhowr daqiiqo shirku u hakisnaa in laso qanciyoAxmed Maxamed Islaam  (Axmed Madoobe)

Qodobka uu diiday Madaxweynaha Maamulka Jubbaland ayaa waxaa uu ahaa sida ay Muqdisho Online Ogaatay,Waxay maamul goboleedka iyo dowladda dhexe wada qaateen heshiis ku meel gaar ah ee amniga iyo dhisidda ciidan qaran oo laga soo xulo dhamaan dowladaha xubnaha ka ah dowlad federaalka ah.

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam  (Axmed Madoobe) Ayaa waxaa uu hadda Hormuud muuqda ka yahay Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyadda.