Maxay Xildhibaanada Qas Wadayaasha Ah u Diidan Yihiin In Xal Laga Gaaro Khilaafka Golaha Shacabka

Reading Time: < 1 minute

Iyado ay weli taagan tahay Xiisada u dhaxeysa Xildhibaanada Golaha Shacabka oo qaar ka mid ah Xukuumadu ay gadaal ka riixeeyso aya waxa soo badanaya talo soo jeedinta Aqoonyahanada iyo Siyaasiyiinta Maadama ay Xukuumadu Dhawaan dalka galisay Xaalad Qatar badan oo cawaaqib xumu lagala kulmi karayay.

Siyaasiga Mukhtaar Nuur Geeseey ayaa waxaa uu ka hadlay khilaafka u dhaxeeya Golaha shacabka Soomaaliya oo u kala qeybsan labo garab oo qeyb ka mid ah taageero ka heysato Xukuumadda ayaa ku baaqaya in xiisada lagu badalo xal dan umadeed keeni kara.

Waxaa uu soo jeediyay in kulan dhex dhexaad ah oo lagu kala baxo la qabto, kaas oo uu shir guddoominayo qof ay ku kalsoonyihiin labada dhinac.

Guddoomiayaha aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullahi ayu talo ahan uso jediyay in uu shir guddoomiyo kulanka islamarkaana dhinacyada iska soo horjeeda ay codadkooda la yimaadaan madasha ciddii guuleysato loo sacaba tumo cidii lga guuleysatana iska tagto si loo helo deganaasho siyaasadeed.

Xukuumada Raii’asul Wasaare Kheyre oo saxibadeeda Qiyaano Qaran garab ka heleysa aya dooneysa in ay Golaha Shacabka ay gacanta ku dhigto si lo fuliyo codsi walba oo ay wataan iyo danahooda gaarka ah.