Maxay Waddamada G/Afrika Ka Baran Karaan Weerarkii Shabaab ee Yeed, Aato iyo Washaq? 

Reading Time: 2 minutes

Waa baal cusub oo u furmay waddamada G/Afrika una baahan inay iska kaashadaan si dhab ah. Somalya waxay in muddo ah la dalaa dhaceysay dhibaatooyinka Shabaab, waxayna aaminsan tahay in aan Shabaab jirin dal ka badabaadaya, gaar ahaan wadamada geeska Afrika ku yaalla ee Somaliya, Kenya iyo Itoobiya, walow ay meelo fog fog wax ka geystaan sida Ugandha iyo Muzambiig.

Weerarkii sida aadka ah loo qosheeyey ee ay Shabaab ku qaadeen degmooyinka Yeed , Aato iyo Washaq,  kadibna ay dhaqaajiyeen unugyadii jiifay ee gudaha Itoobiya, waxay caddeyneysaa in aad loogu baahan yahay inay waddamada geeska si dhab ah isaga kaashadaan ciribtirka Shabaab.

Aragtida ah in Somaliya kaliya ay jiraan ama dhibaato ku hayaan waa feker raqiis ah, kaas oo keeni doona inay sida Somaliya ugu xoog bataan waddamada kale, gaar ahaan Kenya, iyo Itoobiya.

Haddaba madaxda waddamadaan waxaa laga rabaa inay la yimaadaan hab dhameystiran oo ay ku wada shaqeyn karaan si kooxdaan loo ciribtiro, waxana ugu haboon:

1.     In la taageero qorashaha dowladda hadda Somaliya ka dhalatay oo la og yahay halka ay shabaab uga tagtay  oo ahayd in 80% uu dalku xor ka ahaa shabaab iyo halka ay maanta joogaan oo ah inay haystaan 70% degmooyinka iyo inta u dhaxeysa.

2.     In Somaliya cunaqabteynta hubka laga qaado oo lagu kaalmeeyo inay gudaheeda ka sifeyso Shabaab, iyadoo la siinayo gacan kasta oo ay u baahan tahay dowladda hadda jirtaa oo ay go’an tahay in shabaab laga tirtiro dalka.

3.     In waddamada deriska ee ah Kenya iyo Itoobiya ay la shaqeeyaan dowladda Somaliya oo ay shabaabka si siman ugala halw galaan kaasoo keeni kara inay hal mar weerarro isku xeran lagau qaado, iyadoo aysan jireen meel ay ku gabbadaan.

4.     In maamullada dowlad goboleedyada K/Galbeed iyo Dowlad Degaanka Somalida laga shaqeeyo inaysan shabaabka gabbaad u noqon oo aysan u isticmaalin dano gaaban oo siyaasadeed sida hadda ka muuqata.

5.     In MW Xasan sheekh uu u qabto shir madaxeed dowladaha Kenya iyo Itoobiya kaas oo si furan oo aan cidna loogu darnaaneyn looga wadahadlo istaratejiyada Shabaab looga qabanyo gobolka markii ugu dambaysay.

6.     In ugu dambeyn ay Hogaamiyayaasha waddamadaan ogaadaan inay isku xeran tahay nolosha dadkooda iyo dalalkooda oo haddii mid uu Ła hardy o kawa kale.

Haddii kale Shabaab waxay noqon doonaa dhibaato intaan ka culus oo ku baahda wadamadaan Geeska- Somaliya oo ay hadda ku baahsan yihiin, Kenya iyo Itoobiya oo ay hadda bilaabeen inay hal gallo ka fuliyaan.

Arrinkaan waxaa uu dalalkan oo ay dantooda guud isku xeran tahay u keenayaaa:

1.     Inaan waxba laga qaban Karin abaaraha iyo dhibaatooyinka kale dabiiciga ah sida isbadalka cimillada oo ay dadka geeska Afrika ku baaba’ayaan, waana tall sumo madaxda u noqoneysa hadhow.

2.     In dalalkan aysan dunida maalgashan Karin maadaama ay yihiin goobo ay dhici karto in lagu afduubo dadkooda imanaya ama hantidooda lagu burburiyo.

3.     In Suuq madow uu mar waliba ka jiro maadaadama uusan amaanka sugneyna  aan la sameyn Karin hubinta rasmiga ah ee ganacsiga xorta ah loogu baahan yahay.

4.     In shirdaha ceymiska dunida aysan ogolaaneyn inay hantileyda dunida u ceymiyaan waxa kaga luma waddamada Geeska Afrika.

Isku soo duub wadamadaan waa inaysan ka harin isbadalka degdeg ah ee dunida ka socda kaas oo socon doona haddii ay ka haraan iyo haddii ku biiraanba. Madax badan oo si hoose ama degdegmo  ama daldal u fekerayaa ha ogaadeen dunida waxay sii noqoneysaa tuulo yar annaga Geesk Afrikana waxaa nahay isku dań oo makala go’i karno, mana kala guari karno.