Maxay tahay ujeedka saraakiisha ka socota Qatar ay Muqdisho u yimaadeen?

Reading Time: < 1 minute

Wafdi ka socda wasaaradda gaashaandhigga dowladda Qadar ayaa shalay soo gaaray magaalada Muqdisho, waxaana Garoonka Diyaaraddaha kusoo dhaweeyay saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Wafdigan ayaa markii ay soo gaareen Muqdisho  loo galbiyay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.

Wafdiggaan ayaa ka socda Wasaaradda Difaaca dalka Qadar, waxaana ay kulamo kala duwan la leeyihiin Wasiirka Difaaca Soomaaliya Xasan Cali Amar dambe.

Waxaa Wafdiga ka mid ah Saraakiil ciidan iyo Agaasime qeybeedyo ka tirsan Wasaaradda Difaaca dalka Qadar iyo Taliska xoogga dalkaasi.

Ilaa iyo hadda lama xaqiijin ujeedada Safarka Wafdigan heerka qaran ah balse waxa la ogsoonyahay in R/Wasaare Khayre uu kasoo laabtay Dalka Sacuudiga oo ay is hayaan dowlada Qatar.

Dowladda Qatar oo gebi ahaanba la wareegtay sirdoonka Soomaaliya kaddib markii uu Farmaajo u magacaabay Agaasime xigeenka hay’adda Fahad Yaasiin ayaa hadda bilowday hardan kale oo ay dooneyso in ay xeryo ciidan ku yeelato gudaha Soomaaliya gaar ahaan Magaalooyinka Muqdisho iyo Kismaayo, sida ay u xaqiijiyeen MOL saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka