Maxay tahay ujeedka ay u yimaadeen Muqdisho Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Itoobiyo & Eriteriya

Reading Time: 2 minutes

Wadamada Soomaaliya, Itoobiya iyo Kenya aya si xowli ah uga shaqeynaya sidii loo soo dedejin in lagu soo daro 3,000 oo askari oo ka imaanaya dalka Eriteriya horraanta sanadka soo socda ee 2019.

Ujeedka la rabo in la keeno ciidamadan aya ah
1. Sidii loogu heli lahaa ciidamada Eriteriya ee dhawaantan laga soo qaaday xuduuda ay la leeyihiin dalka Itoobiya, kaddib heshiis dhex maray labada dal. Ciidanka Eriteriya ayaa waxa ay khatar ku yihiin dowladda hadda ka jirtaa dalka Eriteriya sidaas darteed waxa loo abuurayaa shaqo iyo goob lagu siiyo mushaar joogta ah oo aan ka imaanaynin daqliga dalka Eriteriya laakiin ay bixin doonaan qaar ka mida wadamada Khaliijka.

2. Sidii loo adkeyn lahaa iskaashiga afarta dal ee Soomaaliya, Kenya, Eriteriya iyo Itoobiya. loona sameyn lahaa gaashaan buur ciidan oo ay wada yeeshaan afarta dal.
3. Sidii looga saari lahaa ciidamada Ugandha gebi ahaanba dalka Soomaaliya, taasoo caqabad ku ah wadamada Itoobiya iyo Kenya.

Sida aay noo xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay tirada guud ee ciidamada Eriteriya ee la rabo in la keeno Soomaaliya aya dhan ilaa 20 kun oo askari kuwaaso qorshaha guud uu yahay in ay la wareegaan dhammaan meelaha ay hadda ku sugan yihiin ciidanka AMISOM ee ka soo jeeda dalka Ugandha.

Qorshahan oo ay aad u riixayaan dublamaasiyiin rug cadaa ah lehna aragti fog ayaa khatar ku ahaan doona qaranimadda Soomaaliya. Waxana lagu wadaa in ay kaashadaan urur goboleedka IGAD.

Iyada oo laga taabaqaadayo qodobada kor ku xusan ayaa waxaa maanta soo gaar  magaalada Muqdisho Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Itoobiya iyo Eriteriya kuwaasoo kala hadlay Madaxweyne Farmaajo istraatijiyada laga rabo in uu ku adkeysto in ciidamada Eriteriya ay ka mid noqdaan AMISOM.

Dowladda Eriteriya ayaa ku faaneysa inay si wanaagsan uga war qabaan meelaha ay Al Shabab degan yihiin iyo goobaha ay madaxdooda ku sugan yihiin iyo dhamman qorshahooda dagaal maadaama ay horey u caawini jireen. Dowladda Qatar ayaa dhaqaalaha u soo marsiin jirtay dowladda Eriteriya inta aanay labada dal xiriirkooda xumaan dabayaaqadii sanadkii 2015.

Madaxweyne Farmaajo oo weli aanay ka bixin cuqadadii Kampala Accord, ayaa aaminsan in ciidamada Ugandha ay ku siyaaasad yihiin beesha Hawiye, uuna aaminsan yahay in awoodda beelaha dega Muqadisho aanan waxba laga qaban karin inta ay joogaan ciidamada Ugandha.

Beesha caalamka iyo ururka midowga Afrika aya isku qilaafsan ka mid noqoshada ciidamada Eriteriya ay ka mid noqonayaan kuwa AMISOM, waxaana Qaramada Midoobay aay si cad ugu sheegeen uruka IGAD iyo Madaxtooyada Soomaaliya in aanay taageri doonin qorshahan inta Eriteriya ku jirto cunaqabateynta ay saartay Qaramada Midoobay.

Dhanka kala qabiiradda  ka faalooda siyaasadda Geeska Afrika ayaa ay ugu muuqataa talabada Madexweyne Farmaajo mid isaga dib ugu soo noqon doonta. Gaar marka loo eego colaada siyaasadeed ee isaga kala dhaxeysa wadamada Imaaradka Carabta iyo Sacuudi Careebiya. Su’aalaha la isweydiinaya ayaa waxaa ka mida sidee buu ku badbaadi doonaa MW Farmaajo mar hadii ciiidamo laga masruufo Abu Dhabi iyo Riyaad ay dalka la wareegaan.

Barlamaanka Soomaaliya ayaa looga fadhiyaa in ay talaabo ka qaadaan go’aanada qaldan  ee aan la fiirsan ee uu MW Farmaajo qaadanayo kuwaas oo dhaawac aan la soo kabsan karin gaarsiin doona jiritaanka iyo  qaranimada Soomaaliya.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!