Maxay tahay shaqada wakiilka QM? Mase jiraa xadgudubka lagu eedeeyay? (Akhriso Sharciga QM)

Reading Time: < 1 minute

Maxaa lagu haystaa oo lagu soo eedeeyay Nicholas Haysom.? Waa su’aal ay dadbadini is weydiinayaan iyado ay Dowladda Federaalka ah sheegtay in uu wakiilka QM uu xadgudbay madaxbannaanida dalka Soomaaliya waxaana sidoo ay kale ay ku eedeeyeen in uu soo faragashtay arrimaha u gaarka dowladda Soomaaliya.

Waxaa telefishka BBC qeybtiisa Ingiriiska mar uu wareysi siiyay wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad aya u hadlay si ka baxsan hannaanka diblomaasiyada isago sheegay in go’aanka ay dowladda Soomaaliya qaadatay uu yahay mid kama danbeys ah, balse wuxuu fashilmay in uu sheego qodobada xadgudubka ah ee lagu soo eedeeyay wakiilka QM Nicholas Haysom.

Haddaba MOL aya baaritaan aan sameynay kaddib waxaan helnay hannaanka shaqo ee loo igmaday wakiilka QM, kuwoodo quseeya eedeymaha loo soo jeediyay, Haddii aan soo koobno siida Ku qoran qaraarka Numbarkiisu Yahay 2102 ee ka Soo Baxay Golaha Amniga ee QM “U.N. Security Council 2013”, Waxaa Nicholas Haysom loo igmaday Inuu Qabto :

(1). Inuu La Socdo Hoowlgalada Ciidamada Amisom.

(2). Inuu Dawlada Somalia Ka Saacido Arrimaha Siyaasada, Dastuurka, Xoojinta Heey’addaha Dawlada, Iyo Isku Daba Ridka Taageerada Deeq Bixiyayaasha Caalamka Siiyaan Dawlada Somalia.

(3). Inuu La Socdo Oo Baaritaan Ku Sameeyo Xadgudubyada Ka Dhanka Ah Xuquuqal Insaanka.

Haddaba Nicholas Haysom wuxuu ahaa shaqsi gudanaaya dhamaan howlihii loo igmaday. Waana midda keentay isagoo xaq u leh oo gudanaayo howlihiisa in uu Dowladda Federaalka ah u diro warqaddii uu soo saaray 30 Desember 2018, loogana fadhiyo dowladda Soomaaliya in ay ka bixiso jawaab sax ah, isla markaana sharciga la horkeena dadka lagu soo eedeeyay ku xadgudubka xuquuqal insaanka.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!