Mooshin soo jiitamaayay Mudo Dhowr iyo labaatan Cisho ah ayaa lasoo gaba-gabeeyay Maalmo ka hor kolkii Gudoomiye Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari uu si cad u sheegay in uu Tanusalay,waxaana Xildhibaanada Golaha shacabka Hadalkaasi Mar qura ka hor jeediyay C/wali shiikh Ibraahim Muudeey xili loo madlansanaa Cod u qaadistisa Mooshin Jwaari laga keenay.
Gudoomiye Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari ayaa waxaa uu xaqiijiyay in uu iscasilay islamarkaana uu goostay in uu xilkaasi dib ugu celiyo Xildhibaanadii Doortay.
Shalay ayuu Warbaahinta la hadlay asigoo uu dhinac taagan yahay Madaxweynaha Dowlada Federaalka ah Ee Soomaaliya Maxamed C/lahi farmaajo,si cad ayuu u qeexay Sababta Iscasilaadiisa waxuuna ku sheegay in uu Damqaday Jiritaanka Qarannimada Soomaaliyeed.
Maanta oo Arbaco ah ayaa lagu Balansanaa in Gudoomiye Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari uu khudbad ka horjeediyo Xildhibaanadda Aqalka Hoose si uu usii takiidiyo,Iscasilaadiisa,hase’yeeshee Kullankaasi waa uu baaqday
Xalay Goor-dambe ayaa Xildhibaanadda waxaa loo diray fariin loogu sheegaayo in Kulankii maanta uu baaqday taasi uu ka Timid Gudoomiye Ku Xigeenka 1-aad Ee Baarlamaanka C/wali shiikh ibraahim Muudeey,waxaana kasii horeeysay Fariin kale oo loogu sheegayay in ay Kulanka Maanta kasoo qeeyb galaan
Aqoon-yahan Jamaal Cusmaan Kamaal Waxaa uu Warbaahinta Muqdisho u sheegay in ay Suura-gal tahay in Hadal la isku Fahmi waayay taasna ay Sabab u tahay Baaqashada Kulanka.
Waxaa Suuragal in saacadaha nasoo aadan ay ka hadlaan Gudoomiyayaasha Golaha shacabka sababta Kulanka Maanta oo lagu balansanaa in Jwaaari uu ku Faahfaahiyo Iscasilaadiisa loo baajiyay