Maxay tahay sababta ay Itoobiya u taageereyso Dowladda Farmaajo

Tan iyo intuu xukunka qabtay mudane Abiy Axmed, waxaa muuqday isu soo dhawaansho labada dowladood ah. Waxaa abuurmay jawi Isfahan oo u muuqday mid ku dhisan is qaddarin iyo sinnaan. Waxaa billowday wadahadallo ku saabsan midaynta dhaqaalaha iyo fududaynta isu socodka dadka. Waxay guda galeen dhisidda isbahaysi saddex geesood ah oo labadaan dal iyo Eritareeya ku midaysan yihiin.

Waxaan oo dhan waxay ku dhaceen muddo aad u yar marki la eego dhibkii dhex yaallay labada dal iyo dadkooda. Itoobiya oo dhul Soomaaliyeed gumesyata, ciidankeedu dal weynaha Soomaaliya dhex mushaaxayo, sanado badan oo ihaano iyo xukun dadban ah ku haysay dadka Soomaaliyeed ilaa imminkanna aan dalka ka dhammaan, inay darajada 360 kala wareegto una muuqato mid doonayso wada noolaansho ku dhisan isqaddarin iyo ixtiriaam waxay noqotay mid dadka Soomaaliyeed gali wayday.

Waxaa dhashay su’aalo badan oo ku saabsan ujeedkeeda, waxa baddalay iyo waxa ay dowladda Soomaaliya u ogolaatay ama ku baddalatay wada shaqayntaan. Waxaa la tabiyay khiyaanooyin qarsoon oo ay ku kaceen madaxda qaranka. Arrimahaan waxay sii murgeen markii la arkay ciidamada Itoobiya oo u muuqda kuwo ku shaqaynayaa amarka dowladda Soomaaliya.

Haddaba ma Itoobiya ayaa daahirtay, mise madaxda Soomaaliya ayaa khiyaamooyin gashay mise arrimo kale oo aan ka hurdno dowlad ahaan iyo shacab ahaan ayaa jiro? Waxaan isku dayi inaan si kooban su’aalahaan ooga iraahdo waxa ii muuqdo.

Horta Itoobiya ma daahirin sababtoo ah wax daahiriyo ma dhicin. Ujeedooyinkeedi ma aysan gaarin. Dagaal loogama adkaan, dabac dan badan oo uugu jirto ma muuqato, inta kala qoqobka ay ku gaari karto kuma heli karto Soomaaliya oo hal dowlad leh. Sidaa awgeed wax calaamad ah oo tilmaamayo in Itoobiya ka kortay ficilladeedi xumaa ma jirto.

Sidoo kale ma qabo in madaxda Soomaaliya ay khiyaano qarsoon galeen. Ma filayo inuu jiro heshiish ku dhaxeeyo Abiy iyo Farmaajo oo ku saabsan wax isdhaafsi Soomaaliya hodayo. Farmaajo waa madaxweynaha ugu badnaa ee isticmaalo erayada “qab”, “karaamo”, “sharaf” iyo “madaxbannaani”. Isagoo intaan u arka aasaaska qarannimo iyo midda dadnimo ilaa haddana aysan jirin wax calaamad ah oo uu  muujinayo inuu madaxda dalalka kale u hogto, ma jirto wax sabab ah oo aan ugu tuhunno inuu gabi-dhacleeyey ama Abiy jeebka u galay.

Waxaa soo haray waa inay jiraan arrimo kale oo keenay isbaddalkaan. Sanad ka hor ayaan idinla wadaagay arrimaha keenay isbaddalka Itoobiya ee lifaaqaan ku noqo. https://ibrahim-shire.blogspot.com/2018/06/maxaa-sabab-u-ah-isbaddalka-ka-socdo.html. Hadda waxaan si gooni u eegaynaa isbaddalka ku saabsan siyaasaddooda Soomaaliya oo kaliya. Labo arrimood ayaa gun dhig u ah.

Midda hore waa in Itoobiya ay tahay dal ilbax ah, gumeyste guun ah xifrad iyo khibrad dheerna u leh gaaridda danaheeda. Abiy Axmed wuxuu ka mid ahaa sirdoonka dalkaas. Wuxuu si aad ah ula socday wixii Soomaaliya ka socday, sawirki Soomaalidu Itoobiya ka qaadatay, neceybki loo qaaday iyo sida loogu baraarugay qatalkeeda iyo hoogga ay Soomaaliya la rabto. Wuxuu la socday sidii loo soo dhaweeyay isbaddaalki Febaraayo iyo in sababta ugu muhiimsan ee loo doortay inay ahayd Itoobiya naceyb.

Waxaa u muuqatay in siyaasaddi Tigreegu aysan ka shaqaynayn danaha fog ee Itoobiya. Sida kaliya ee wax lagu sixi karo inay tahay isbaddal dhab u muuqda oo lagu sameeyo arrimaha Soomaaliya quseeya ayaa usoo baxay Abiy. Wuxuu arkayaa inn la qaado tallaaboyin dadka illowsiiyo soddonki sano ee ihaanada iyo xasuuqa ahaa ee Itooboya nagu haysay, in cadaawadda loo baddalo jeceyl ama ugu yaraan saaxiibtinnimo. Marki isbaddal aadan wax ka qaban karin uu ka dhaco dal aad saamayn ku lahayd inaadan baddalin siyaasadda dalkaas qusaysa waa ilbaxnimo la’aan Itoobiyana maahan dal sidaas u hurdo.

Midda labaad waa in Abiy iyo tolkiis xukunku uu ku cusub yahay. Waxay ku jiraan dadaal ah inay adkeeyaan seeska maamulkooda, inay gacantooda soo wada galiyaan awoodda waaxaha kala duwan ee dalkooda, inay xaqiijiyaa in la aasay maamulki hore dibna uusan usoo noqonayn. Iyada ay howsha sidaan u dhib badan gudaha dalka u taal, raggii faragalinta Soomaaliya majaraha u hayayna ay yihiin kuwa uu rabo inuu xiddada u siibo ma dhici karto inuu sii isticmaalo isla siyaasaddi hore. Waayo waxaa sahlan in laga xarig furto waxna uu ka qaban waayo oo indhihiisa oo shan ah Soomaliya ka danaysato.

Sidaas darteed wuxuu u baahan yahay dhowr sano oo is dhabbarin ah. Siyaasadda noocaan Abiy uma horreeyo. Meles Itoobiya waxaa uu qabsaday 1991’di. Afarti sano ee u horraysay wax tallaabbo ah ma uusan qaadin. Itixaad hubaysan oo dagaal kula jiray ayaa Godey iyo meelo kale daggaana isha ayuuna ka daawanayay. ONLF meel walba ayay hubkeeda ku haysatay. Soomaaliya warkeedaba daa oo xataa salaan uma uusan diri jirin.

Waayadaan, sida hadda Abiy loo ammaano, ayaa Males loo ammaani jiray. Itoobiya cusub ayaa timid, saaxiib dhow ayaan  yeelannay iyo wiil hoog ayaa Geeska Afrika u kacay baa ka mid ahaa hal-ku-dhiyadii waqtigaas caan baxay. Waxaa xigay, inuu markii u xaqiiqsaday inuu sugan yahay salka xukunkiisa, dagaal ku ekeeyay meel walba oo Soomaali lagu arko, intaas wixii ka danbeeyay waa sheeko shaahid loo ahaa. Sidii Males ayuu Abiy maaggan yahay. Ugu yaraan wuxuu doonayaa in aysan gacantiisa Soomaaliya ka bixin inta uu ka xoogaysanayo. Taasna ma gaari karo isagoo isticmaalayo awood, kala qaybin iyo arbushaad.

Waxaa laga yaabaa in markaad akhriso qoraalkaan aad is dhahdo dowladdu may xargaha u goyso inta Itoobiya wareerka ku jirto. Maya sidaas maaha. Ha illaawin innaguba inaan intaas kasii wareer badannahay. Inaan wali meeshii hore waxyar un ka sokoyno, in maamullada qaar ay wali ka arrimiyaan kuwii ay iyadu keentay, in qaar badan oo ka mid ah golaha labad aqal ilaa hadda yihiin mushaari Itoobiyaan ah, in sirdoonkeedi wali shaqeeyo meelo badanna lugta kula jiro.

Dowladda waxaa la gudboon inay iyaduna isticmaasho miskiin seeflaynta Abiy oo kale. Dhinac waa in walaaltinnimo iyo saaxiibtinnimo la tusaa, lala jilaa qorshaha midaynta dhaqaalaha mustaqbalka iyo wadaagga xuddoodo furan, lala yeeshaa iskaashi meelaha aan lagu kala maarmin laakiin dhinaca kale hoos laga wadaa sidii looga dhammaan lahaa, sidii loo heli lahaa ciidan qaran oo aan qabiil iyo shaqsiyaad gaar ah ka amar qaadan, ciidan la yaqaan oo rasmi ahaan, leh tayo iyo tacliin iyo hoggaan nadiif ah oo aan Tigree soo marin. Marki Abiy soo jeesto waa inuu arkaa Soomaaliya ka duwan middii hore. Soomaaliya hal wasiir arrimo debadeed leh. Soomaaliya ciidankeedu hal xarun looga arrimiyo isaguna iillin uu kasoo galo aan lahayn.

Meelo badan marki laga eego waxaad mooddaa ilaa xad inay dowladdaan siyaasaddaas aan soo sharxay cayaarayso, ilaa xadna meelo badan ay guulo ka keentay. Hasa yeeshee waxaa hoosayn ah, inkastoo aanan hubin iyadu dalabka leedahay, isticmaalka ciidanka Xabashida dalka dhexdiisa. Waa arrin u xun qarannimada Soomaaliya, qiimaha madaxda iyo gaaridda ujeedka fog iyo soo celinta sharafti dalkeenna. Isticmaalka ciidanka Xabashidu wuxuu furi daldaloollo ay adkaan doonto in la awdo, inay bartaan shaqsiyaad cusub iyo saraakiil ciidamadeenna ka  mid ah, inay helaan xariirro hor leh iyo siraha dowladda cusub ee doonayso inay dalkaan sharafkiisi dib usoo celiso.

Warki oo kooban, Itoobiya waa un iyadi laakiin waqtigaan duruufo iyo dano jiro awgood is yara baddashay. Innaga waxaa nala gudboon inaan ka faaiidaysanno isbaddalkaan innagoo feejigan il soo jeedana isaga eegayno hagardaamada la socoto dabeeca Itoobiya.

W/Q: Ibrahim Aden Shire
[email protected]

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Muqdisho Online

mm
Faysal Ali Axmed (Alteeso)

Muqdisho Online - Xafiiska wararka ee Gobolka Banaadir. Waxaad nagala soo xiriir kartaa [email protected] ama twitter @muqdisho_online

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here