Maxay tahay mudnaanta gaarka ah ee Madaxweyne Qoorqoor ku dhexdhexaadinayo Farmajo iyo Roble?

Reading Time: 4 minutes

Ujeedada qoraalkaan waa qiimeynta dhexdhexaadinta Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Karie usbuucyadaan ka dhex waday Madaxweynaha DF ee muddo xileedkiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo RW Xukuumadda Xilgaarsiinta DF, ahna Guddoomiyaha Golaha Wadatashiga Qaranka, Inj. Maxamed Xussein Roble. Sida lala wada socdo, maalmahaan baraha bulshada waxaa qabsaday hadal haynta Madaxweyne Qorqor oo ilaa maalintii Taliyihii hore Fahad Yaasin Xaaji Daahir shaqada laga joojiyay, kaddibna la yiri waa is casilay, ku mashquulsanaa dhexdhexaadinta Farmajo + Fahad Yaasin iyo RW Roble.

Dad badan waxay is weydiinayaan mudnaanta gaarka ah ee Madaxweyne Qoorqoor ku muteystay inuu dhexdhexaadiyo labada mas’uul, mudnaantaaso aysan laheyn madaxweynayaasha Puntland, Jubbaland, iyo Hirshabelle ama mas’uulin kale iyo Beesha Caalamka. Muddo dheer waxaa la ogaa in Madaxweyne Sicid Deni iyo Axmed Madoobe iyo Golaha Midowga Musharrixiinta ka soo horjeedeen siyaasadda Farmajo halka Madaxweyne Qoorqoor, Laftagareen, iyo Guudlaawe taagersanaayeen siyaasadda Farmajo iyo Fahad. Madaxweyne Sicid Deni, Axmed Madoobe, iyo Guudlaawe waa ka gaabsadeen inay dhexdhexaadiyaan Farmaajo iyo Roble. Si gaar ah, Madaxweyne Sicid Deni iyo Axmed Madobe waxay caddeeyeen in Farmajo gardaran yahay, kuna dhawaaqeen in Farmaajo joojiyo qaska iyo carqalada si RW Roble u gudo xilkiisa hoggaaminta xukuumadda xilgaarsiinta, loona dhammeystiro doorashada muddo dhaafka ah.

Wararku waxay sheegayaan in Madaxweyne Qoorqoor diiday inuu taagero mowqifka Sicid Deni iyo Axmed Madobe qaateen, taaso soo dedejin laheyd xakameynta qaska Farmajo, isla markaana dardargelin laheyd dhammeystirka doorashada iyo caddaalad marinta kiiska sarkaalad Ikram Tahliil Faarax ka tirsaneyd hay’adda Nabadsugidda, sarkaaladdaaso nolol iyo geeri lagu la’yahay, lana tuhunsan yahay saraakiil uu madax u yahay Fahad Yaasin Xaaji Daahir ay mas’uul ka yihiin afduubkeeda iyo khaarijinteeda (kidnapping and assassination).

Haddii khilaaf dhexmaray Farmajo iyo Roble, muxuu yahay heerka ku kalsoonaanta dhexdhexadnimada Qoorqoor oo ay RW Roble ay isku beel yihiin, hase yeeshe aysan isu laab furneyn, iyo Farmajo iyo Fahad Yaasin ay kala dhexeyso abaal gudid, nafti hurid, laab furnaan, iyo daacadnimo?

Dad badan waxay qabaan in ujeedada dhexdhexaadinta Madaxweyne Qoorqoor ay tahay jaahwareerin, waqti lumis iyo waqti dheereyn, beddelka dulucda khilaafka, abuuritaanka riwaayado been ah, taaso ah xeeladaha Farmaajo iyo Fahad ku gaaraan ujeedooyinkooda gurracan ee siyaasadda.
Taagerayaasha RW Roble iyo dad badan oo dhexdhexaad ah waxay qabaan in dhexdhexaadinta tooxsiga ah, jujuubka ah ee Madaxweyne Qoorqoor ay abuurtay khilaaf iyo kala eed sheegasho ballaaran oo dad badan saameysay, faafinta sheekooyin iyo warbixinno been ah, marin habaabin bareer ah, talooyin lagu hor istaagayo baaris sharciga waafaqsan ee kiiska Ikram Tahlil Faarax si runta iyo cadaaladda loo gaaro, iyo kala aamin bax iyo is cadowsi.

Inkastoo Madaxweyne Qoorqoor hadlin, haddana wasiirro la shaqeeya waxay warbaahinta ka sheegeen in dhexdhexaadinta Madaxweyne Qoorqoor guuldarro ku dhammaatay, sababtana dusha laga saaray Farmaajo. Haseyeeshe, Madaxtooyada iyo taagerayaasha Farmaajo iyo Fahad Yaasin waxay warbaahinta iyo baraha bulshada ka sheegayaan in dhexdhexaadinta Qoorqoor aysan dhammaan, taaso u eg marin habaabin iyo waqti gadasho lagu abuurayo colaad sokeeye iyo dib u dhaca doorashada muddo dhaafka ah. Madaxweyne Qoorqoor wuxuu shacabka Soomaaliyeed ka hagraday inuu u sheego aragtida dhexdhexaantiisa iyo sababaha fashilkiisa. Aamusnaanta Madaxweyne Qoorqoor waxay sare u qaaday saluugga iyo kalsooni darrada shacabka Soomaaliyeed ka qabo Madaxdooda.

Inta Madaxweyne Qoorqoor ku jiray dhexdhexaadinta waxaa dalka ka dhacay qaraxyo iyo ismiidaaminno dad badan ku dhinteen, ku dhaawacmeen, hanti badanna ku burburtay, dhibaatooyinkaasoo Al Shabab sheegteen, haseyeeshe loo aaneynayo qaska Farmaajo iyo Fahad wadaan oo shaqadii hay’adaha maamulka iyo nabadgelyada curyaamiyay.

Waxaa la isweydiinaya qiimaha iyo culeyska Madaxweyne Qoorqoor siiyay ama siinayo qoraalka Fahad Yaasin ugu soo jawaabay RW Roble markuu weydistay warbixin ku saabsan kiiska Ikram Tahlil Faarax, iyo warqadaha Farmajo ku baabi’iyay go’aankii sharciga ahaa ee RW Roble shaqada uga joojiyay Agaasimihii NISA Fahad Yaasin, kuna amray Xeer Ilaalinta iyo Maxkamadda Ciidammada Qalabka Sida inay baaraan waxna ka qabtaan kiiska Ikram Tahlil Faarax oo la la’yahay geeri iyo nolol, fulinta amarkaaso ilaa maanta Farmaajo iyo Fahad hortaagan yihiin, warqaddii Farmaajo ku magacaabay Fahad Yaasin jagada laTaliyaha nabadgelyada Madaxweynaha taaso sharci darro ah, laguna xadgudbay RW Roble, iyo warqaddii farmajo ku sheegay inuu ku dhimayo ama awood ugala soo noqonayo RW Roble, kuwaasoo dhammaantood ka soo horjeeda dastuurka, ilaalinta cadaaladda, iyo dhaqanka wanaagsan ee dowladnimo. Beesha Caalamka waxay hoosta ka xariiqday inaan la hor is taagin baarista kiiska Ikram Tahlil, isla markaana la carqalateyn, la wiiqin guulaha RW Roble ka soo hooyay hirgelinta doorashada daahday, lana taagero dhammeystirkeeda.

Waxaa kaloo la isweydiinaya in Madaxweyne Qoorqoor maanka ku hayay heshiiska Golaha Wadatashiga Qaranka isku raacay 27 Maajo 2021 iyo isbeddelka siyaasadeed, maamul, iyo nabadgelyo ee uu xambaarsanaa marka uu dhexdhexaadinayay Farmajo+Fahad iyo Roble.

Khilaafka Farmajo iyo Roble wuxuu dhaliyay shaki weyn oo ah in Farmaajo ahaan karo Madaxweyne ama mas’uul qaran Fahad Yaasin la’aantiisa. Sidaaso kale, dhexdhexaadinta afduubka ah waxay dhalisay shakiga ah in Madaxweyne Qoorqoor gudan karo xilkiisa Madaxweynaha Galmudug Farmaajo iyo Fahad Yaasin la’aantooda?

Dadka Reer Galmudug waxay ku cabanayeen muxuu Madaxweyne Qoorqoor u dayacay danaha dowlad goboleedka Galmudug, uguna mashquulsan yahay difaaca iyo daboolka xadgudubyada dowladda federaalka oo muddo dheer caqab ku ah nabadda, midnimada, iyo horumarka Galmudug. Aqlabiyadda Reer Galmudug waxay jecel yihiin in Madaxweyne Qoorqoor mudnaanta siiyo arrimaha ay ka mid yihiin:

*dhammeystirka doorashada Aqalka Sare iyo diyaargarowga iyo bilaabidda doorashada Golaha Shacbiga oo ku dhacda jawi nabad ah, xor iyo xalaal ah;
*Wax ka qabashada halista Al Shabab ku hayaan Magaalo Madaxda Galmudug ee Dhusamareb iyo deegannada kale ee Galmudug kaddib markii Al Shabab ay dedeg dib u qabsadeen deegammo laga xoreeyay;
*Wax ka qabashada colaadda dabadheeratay ee ka dhex taagaan beelaha walaalaha ah ee reer Galmudug;
* Ka heshiinta iyo daawoobidda cabashooyinka iyo uur xumida laga dhaxlay dagaalkii Ahlu Sunna iyo Wal Jamaaca lagu muquuniyay oo ciilqabkiisa dul hoganayo deegaanka Galgudud.

Waxaan rajeynaya in qoraalkaan isu soo dhoweeyo dareenka reer Galmudug, isla markaana Galmudug ka badbaadiyo dhibaatooyinka dowladda federaalka lugaha kula jirto kaddib markii ay ku xadgudubtay ilaalinta dastuurka kmg. Danta iyo sumcadda wanaagsan ee Galmudug waxay ku jirta la safashada RW Roble sida ku cad dastuurka kmg iyo heshiiska 27 Maajo 2021 si loo helo dowlad sharciyad heysata oo hanata hoggaaminta dalka.

W/Q Dr. Maxamud M. Culusow

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!