Markii ugu horreeysay taariikhda Soomaaliya aya MW. Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaa uu ogolaaday in shirkado laga leeyahay dalka Shiinaha ay ka kalluumeysan karaan xeebaha Soomaaliya oo dherer ahaan ku fadhiga 3330 KM.
Heshiiskan aya lala galay ururka iskaashatooyinka kalluumeysatada dalka Shiinaha oo ay ku bahoobeen 150 shirkadood oo ka kalluumeysanaya xeebaha Soomaaliya. Waxaa si gaar ah loogu ogolaaday shirkadahan in ay intii ay doonaan ka kalluumeysan karaan kalluunka noociisa loo yaqaan TUNA oo ah mid ugu qaalisan adduunka, Somali Blue TUNA, waxaa lagu iibiyaa suuqa kalluunka ee dalka shiinaha 1KG wat $798. Bishii Janaayo ee sanadka aya kalluun laga soo qabtay xeebaha Soomaaliya oo lagu magacaabo (BlueFin Tuna) waxaa lagu iibiyay $320.000 (Riix Halkan)
Haddaba yaa loo saxiixay oo heshiiska la galay shirkadda Shiinaha?
Waxaa heshiiska saxiixay sida sharciga qabo wasaaradda kalluumeysiga dowladda Federaalka Soomaaliya, balse waxaanan shacabka loo sheegin in heshiiska shirkadda Shiinaha uu kala dhexeeyo shirkad kale oo Soomaali ah taasoo ay wada leeyihiin
- Balal Cismaan (La taliyaha siyaasadda MW. Farmaajo
- Axmed Faarax (Ganacsade. Waa shaqsigii siiyay lacagtii ugu horreeysay ee ku galay doorashada, waana ganacsade ay isku beel yihiin MW. Farmaajo
MOL aya heshay heshiiska dhexmaray shirkadda iskaashatada kalluumeysiga Shiinaha iyo Shirkadda Alla Magan Fishing, waxaanan idiin soo gudbin doonaan macluumad dheeri ah.
Heshiiska lala galay shirkadda Shiinaha aya kaliye ahayn mid dan ugu jirto shacabka Soomaaliyeed, balse waa heshiis xaaraan ah oo uu MW Farmaajo ku naas nuujinaayo ehelkiisa iyo walaalihiis.
La soco Qeybta labaad.