Maxay soo kordhinayaan Guddiga gaar ah ee Baarlamaanka u saaray Laascaanood

Reading Time: < 1 minute

Iyada oo xaalada Magalaada Laascood ay ka sii dareyso  maalinba maalinta ka danbeeysa ayaa Guddoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) uu guddi gaar ah u saaray dhibaatada ka taagan magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool.

Warqad ka so baxday Xafiiska Guddoomiyaha ayaa lagu magacaabay Guddigan oo ka kooban 10 xubnood si ay warbixin rasmi ah uga soo diyaariyaan Laascaanood. Guddiga ayaa lagu amray in ay warbixin dhammaystiran ka soo diyaariyaan Xiisadda ka taagan Laascaanood ee lagu laayay shacabka magaalada islamarkaana lagu bara-kiciyay.

Dad badan ayaa rumeysan in magacaabida gudiga ay tahay mid waqti lagu luminaayo oo aan waxba ku soo kordhinaynin xaalada cakiran ee ka jirta Laascaanood. Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ay ahayd in ay kulan gaar ah ka yeeshaan arintaan si deg deg ahna ay uga hadlaan.

Halkaan ka akhriso Magacyada Guddiga