Iyado shalay Saraakiil ka tirsan Dowladda Ingiriiska ay gaareyn Magaalada Baydhabo xarunta Dowlada Goboledka Konfurgalbed aya waxa sarakiisha ay sheegeen in ay Ciidamo u tababaraan Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya.
Masuuliyiinta dowladda Ingiriiska ayaa waxa ay sidoo kale sheegeen in ay tayaynayaan tababaro heerkiisu sareyana ay siin doonaan ciidamada maamulka koofur galbeed soomaaliyeed ee ka howlgala 3 gobol ee uu maamulka hoos yimaada.
Ciidamadaan la tababarayo ayaa laga doonaya in ay sugaan amaanka guud ee degaanada Koofur galbeed sidoo kalena ay Al-Shabaab ka saaraan degaanada ay hada ku sugan yihiin.
Ku simaha madaxweynaha maamulka koofur galbeed Maxamed Xasan Fiqi ayaa sheegay in wafigaan ay la kulmi doonaan madaxweynaha koofur galbeed.
Waxa uu sidoo kale sheegay in dowladda Ingiriiska ay ka mid tahay dowladdaha sida toos ah u taageerada maamulkooda.