Maxay Midowga Musharixiinta ku qanciyeen Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi..?

Reading Time: < 1 minute

Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi C/laahi ayaa ugu danbeyn lagu qanciyey inuu ka qeyb galo xafladda xiritaanka iyo Heshiiska Doorashada ee ka dhaceysa maanta xarunta Afisyoone ee Muqdisho.

Kulan muddo qaatay oo Hoyga Guddoomiye Cabdi Xaashi ku dhex maray xubno ka tirsan Midowga Musharixiinta ayaa keenay in lagu qanciyey inuu Cabdi Xaashi ka qeyb galo xafladda, halkaasina ka jeediyo cabashadiisa, iyadoo tabashadiisa la tixgelinayo, lana xalin doono si guud.

Xubnaha Midowga Musharixiinta ee ay hoggaaminayeen Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisal wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre iyo xubno kale ayaa ugu danbeyn loo diray saaka Gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi oo ku qanciyay inuu ka qeybgalo Xiritaanka Shirka Golaha Wadatashiga.

Ma jiro xal degdeg ah oo laga gaaray arrinta awood qeybsiga Guddiyada Doorashada ee Somaliland, iyadoo madaxda saxiixayaasha shirka ay ku adkeysteen go’aanka ah in Cabdi Xaashi 5 xubnood ku yeesho Guddiyada Doorashada ee Somaliland.