Maxay Kawada Hadleyn Gudoomiye Jawaari Safiirada Turkiga iyo Mareykanka

Reading Time: < 1 minute

Guddoomiye Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa la kulmay Safiirka Turkiga u qaabilsan Soomaaliya Olgan Bekar, isagoo kala hadlay arrimo kala duwan oo ay ka mid tahay xaalada siyaasadeed ee uu dalku galay.

Labada dhinac ayaa wadaagay qodobo kala duwan oo la xiriira xal u helida khilaafka iyo sidii loo gaari lahaa is faham ku yimaada wada hadal.

Sidoo kale Guddoomiye Jawaari ayaa la kulmay Sii hayaha Safiirka Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya Martin Dale, waxaa kulankaas uu ka dhacay xarunta Xalane.

Wakiilada Beesha caalamka ee badankood fadhigooda yahay Xarunta Xalane ayaa si aad ah uga walaacsan khilaafka, waxaana madaxda dowladda ku cadaadinayaan in xal laga gaaro xiisada siyaasadeed iyo in loo maro wadada sharciga ee dastuurka qabo.

Xiisada siyasadeed ee Dalka aya kacsan iyado uu kulanka Safiirada iyo Gudomiye Jawaari uu kuso beegmayo iyado khilafka ka dhex jira Baarlamanka uu meel xasasi ah taagan yahay.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!