RW hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta waxaa uu la kulmay guddoomiyaha guddiga doorashooyinka heer federaal Maxamed Xasan Maxamed (Cirro) iyo qaar ka mid ah guddiga.
Labada dhinac ayaa waxaa ay ka wadahadleen qaabka ugu haboon ee Guddiyada Doorashooyinku ay uga shaqeyn karaan doorasho madax-banaan, hufan oo loo maray hannaan iyo habraac daah-furan oo caddaalad iyo dhex-dhexaadnimo ku dhisan.
“Waxaan maanta la kulmay Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka ee Heer Federal, Maxamed Xasan Maxamed (Cirro) iyo xubno kale oo katirsan Guddiga. Waxaan Guddoomiyaha iyo xubnaha guddiga ee ku wehliyay kulanka ka wada hadalnay qaabka ugu haboon ee Guddiyada Doorashooyinku ay uga shaqeyn karaan doorasho madax-banaan, hufan oo loo maray hannaan iyo habraac daah-furan oo caddaalad iyo dhex-dhexaadnimo ku dhisan.
Waxaan aad usoo dhowaynayaa ballan qaadka Guddoomiyaha iyo xubnaha guddiga oo ii caddeeyay in ay ka dheeraan doonaan wax kasta oo shaki galin kara natiijada doorashada, kana qaban doonaan dalka doorasho ka madax bannaan eex iyo qof jecleysi” ayuu yiri R/wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.
RW hore Xasan Cali Kheyre oo muddo seddex sano iyo bar ah ka tirsanaa maamulka Nabad Nolol ayaa xilka laga qaaday 25 July 2020, kaddib markii uu sheegay in uu yahay musharax madaxweyne. Kheyre oo inta badan shacabka Soomaaliya aan ku dhex lahayn sumcad taasoo intii uu xukunka hayay lagu bartay been, istustus iyo boobka hantida qaran.