Maxay Ka wada Hadleen Abiy Axmed iyo Ismaaciil Cumar Geelle

Reading Time: < 1 minute

Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee dalka Itoobiya Abiy Axmed oo shalay gelinkii dambe gaaray dalka Jabuuti ayaa waxa uu la kulmay Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Kulankaan ayaa xalay ka dhacay Xarunta Madaxtooyada dalka jabuuti, waxaana labada dhinac ay kawada hadleen sidii loo xoojin lahaa xiriirka soo jireenka ah ee labada dal iyo sidii dowladda Jabuuti xiriir Wanaagsan ula sameyn laheyd ra’iisul Waasaaraha Cusub ee dalka itoobiya Abiy Axmed.

Inta uu ku sugan yahay dalka Jabuuti Abiy Axmed ayaa waxa uu booqan doonaa xarumo ku yaalla gudaha dalkaasi Jabuuti.

Abiy Axmed aya dhawan loo doortay Xilka Raiisul Wasaraha Itoobiya ka dib marki ay dalkaasi hareeyeen Rabshada iyo dibad baxyo xoogan oo sababay in uu is casilo Raiisul Wasarihii isaga Ka horeyay.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!