Maxay ka dhigantahay xilka qaadista Xaaf uu ku sameeyay Maamulkii Magaalada Gaalkacyo?

Reading Time: < 1 minute

Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee dowlad Gobleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa xilka qaadis ku sameeyay Guddoomiyihii Degmada Gaalkacyo iyo ku-xigeenkiisa, isagoo sidoo kalena kala diray Golaha deegaanka degmadaas.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne Xaaf ayaa waxaa Guddoomiyaha Cusub ee Gaalkacyo loogu magacaabay Saciid Salaad Cilmi,  halka ku-xigeenkiisa loo magacaabay Maxamed Cali Xirsi.

Sidoo kale Wareegtada waxaa lagu magacaabay Guddiga qaban-qaabada Doorashada Golaha Cusub ee deegaanka Degmada Gaalkacyo, kuwaasi oo ka kooban 13-xubnood.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!