Maxay isku qabsadeen Eng. Yarisow iyo Marwada MW Farmaajo

Reading Time: 2 minutes

Gud. Gobolka Banaadir aya maanta ku sameeyay shaqo ka joojin shan ka mid ah agaasimayaasha Gobolka Banaadir halka uu xilka gebi ahaanba ka qaaday shan agaasime. Qorshaha xilka qaadista ayaa ka danbeysay kaddib musuqmaasuq baahay oo ka jira gudaha Gobolka Banaadir, iyadoo agaasimaayasha xilka laga qaaday laga dhigay in ay lunsadeen hanti badan oo dadweyne.

Haddaba sida ay MOL u xaqiijiyeen howlwadeeno ka tirsan maamulka Gobolka Banaadir, waxaa agaasimayaasha xil ka qaadista lagu sameeyay ka mid ah Ayaan Xaaji oo ah Agaasimaha daqliga canshuuraha ee gobolka Banaadir. Ayaan xaaji aya waxaa qaba Faysal Cabdi Macallin oo la dhashtay Marwada MW Farmaajo Saynab Cabdi Macallin.

Marwo Saynab aya markii ay ogaatay in Ayaan xilka laga qaaday waxa ay furatay afka labadiis, iyadoo hore u diidaneyn xil ka qaadis lagu sameeyay Gud. Ku xigeenkii hore Xuseen oo ay qaraabo ahaayeen.

Marwada oo careysan aya waxaa ay la hadashay Eng. Yarisow una sheegtay in uu isagana ka danbeyn doonin Ayaan haddii uusan u soo celin xilkeeda inta aanay gabalku dhicin.

Ayaan Xaaji aya waxa telefonka ka wacay Eng. Yarisow raalli gelinna ka bixiyay, wuxuu intaa ku daray in uu dib ula laabtay wareegtadii uu xilka kaga qaaday una sheegay Ayaan in aay berrito soo shaqo tegi karto.

Xilalka Gobolka Banaadir aya waxaa ay noqdeen kuwa ay ku hardamaan Marwada MW Farmaajo iyo RW Kheyre, iyadoo dhammaan ilaha dhaqaalaha Gobolka Banaadir madax looga dhigay shaqsiyaad ay isku heyb yihiin Marwada MW Farmaajo iyo RW Kheyre.

Guddoomiye Ku xigeenka Gobolka Banaadir Ibraahin Dheere iyo Ayaan Xaaji. Xilli ay booqdeen waaxda canshuuraha ee garoonka diyaaradaha Adan Cadde

 

Waxaa shaqada laga qaadey agaasimayaasha kala ah

1. Agaasimaha Adeegayadda Gobalka Banaadir.
2. Agaasimaha shatiyadda
3. Agaasimaha gaadiidka
4. Agaasimaha dakhtiyadda
5. Agaasimaha canshuuraha

Waxaa shaqada laga joojiyey agaasimayaasha kala ah

1. Agaasimaha waaxda howlaha guud
2. Agaasimaha waaxda dad dhigista
3. Agaasimaha waaxda dhulka
4. Agaasimaha waaxda caafimaadka
5. Agaasimaha waaxda mashaariicda.