Maxay Ciidamada Qalabka Sida Ugu So Baxaan Deeganada Ay Kala Wareegan Kooxda Al Shabaab?

Reading Time: < 1 minute

Maalmahaan danbe ayaa waxaa jiray dhaliilo ka imaanayay siyaasiyiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada taas oo loo soo jeedinayay ciidamada Soomaaliya oo todobaadkii hore la wareegay deegaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose oo horay deegaanadaas ay ugu sugnaayeen Al-shabaab, laakiin isla maalin gudaheed ay isga soo baxeen ciidamadii dowlada ee deeganadaasi qabsaday.

Warar anu ka heleyno qaar ka mid ah saraakisha ciidamada qalabka sida ayaa sheegaya in ciidamada ay ku gadaaaman yihiin duruufo kala duwan oo ku qasbaya in ay ka soo baxaan deegaanada ay la wareegaan ee ka tirsan Gobolada dalka.

Waxa uu shegay in saanad la`aan haysata awgeed ay ugu sugnaan Karin goobaha ay la wareegaan ciidamada qalabka sida daruufasina ay yihin kuwa hoos u dhigaya in sare lo aado howlgalada ka dhanka ah al shabaab.

Sarkaalkan oo ka mid ah sarakisha ay sameysay dhacdadasi ayaa soo jeediyay in marka hore xooga la saaro sidii ciidamada ay u heli lahaayeen waxa ay u baahan yihiin.

Sanadkii Hore Dowlada Mareykanka aya shegtay in sanadaha ay ugu tala galaan ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya la gacan bidixeeyo oo la musuq maasuqo.