Wararka ka imaanaya Magaalada Muqdisho aya shegaya in Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay dhaq dhaqaaq xoogan maanta ka wada deegaano ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe.
Ciidamada huwanta ayaa lagu soo warramayaa in ay fariisimo cusub ka sameysteen Waddada u dhexeysa magaalooyinka Jowhar iyo Balcad ee gobolkaasi.
Goobaha ay fariisimaha ka sameysteen Ciidamadaasi ayaa bilihii ugu dambeeyay waxaa ka jirtay xaalad amaan daro oo ka taagneyd halkaasi.
Ciidamada AMISOM ah iyo kuwa DFS ayaa dhowr jeer oo hore dagaalyahanno ka tirsan Al Shabaab ay ku weerareen Haan-Sheekh halkaas oo looga gubay Gaadiid dagaal.
Al Shabaab ayaa marar badan weeraro ka geystay Waddadaasi, iyagoo jidka u galay Ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM oo ay gaarsiiyeen khasaare dhimasho iyo dhaawac.