Maxay ahayd ujeedada rasmiga ah ee ka danbeeysay qoraalkii shalay ka soo baxay beesha caalamka? (Xog Xassaasi ah)

Reading Time: 3 minutes

Qoraalkii ka soo baxay maanta beesha caalamka ayaa ah mid si taxadar leh loo qoray isla markaana fartiin gaar ah loogu dirayay dowlada Federaalka taas oo lagu soo koobi karo “taakuleyn dhaqaale ha naga sugina”.

Dadka aan sida gaarka uga warhaynin sababta keentay soo saarida qoraalkaan ayaa waxa ay ugu muuqan kartaa qoraal lagu taageerayo dowlada Federaalka laakiin fartiinta ay gudbinayasa waa ay ka duwan tahay.

Qoraalkan ayaa waxa uu jawaab u ahaa shirkii  maalintii Sabdiga lagu qabtay Xarunta Xalane ee looga hadlayay xaaladda amni xumo ee ka sii dareysa ee ka jirta guud ahaan koonfurta Soomaaliya gaar ahaanse magaalada Muqadishu. Sida MOL horay idinkuugu soo tabisay shirka ayaa uu RW Kheyre ka cosday AMISOM iyo beesha caalamka in dowlada Soomaaliya lagu taageero ololaha dagaal oo ay doonayso in ay ku qaado labada Shabeelle iyo in lagu caawiye in ciidanka soo gadooday  ayan gudaha u soo galin magaalada Muqadisho.

Gabagabadii shirka ayaa beesha caalamka waxa ay ku tiri Xassan Kheyre waxaan ku soo siin doonaa jawaab la xiriirta codsiga uu soo jeediyay, taas oo macnaheedu ahaa “waxba ha naga sugin”.

Hadaba qoraalkii maanta waxaa lagu sheegay dhowr arimood oo dhamaantood muujinaya in aan kaalmada dhaqaalaha oo uu Kheyre codsday aan la siin doonin.  Maadaama aan laga aamusi karin codsi uu soo jeediyay Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya, ayaa waxa ay keentay in qoraal afgaboobsi ah loo soo diro.

Qodobada ugu muhimsanaa waxa ay ahaayeen:

  • Qoraalka laguma soo hadal qaadin magaca AMISOM iyo in ay howlgal deg deg ah la galeyso dowladda Soomaaliya. Hadii beesha caalamka run ka tahay waxa qoraalka lagu xusi lahaa in AMISOM ay dowlada la qaadeyso howlgal wadajir ah sida ay horayba u sameeyn jirtay xiligii dowladihii hore.
  • Waxaa dowlada loo soo jeediyay bogaadin ku wajahan in dib u habeen ay ku sameeyso ciidanka Xooga Dalka
  • Dowlada Mareykan ayaa wali ku adkeeysanayso in ayan lacagtii ay horay u joojisay aan marnaba dib u bilaabi doonin iyada oo dowlada ku eedeysay musuq-maasuq. Sidaas darteed dib u habeeynta ciidanka waxa ay siineysaa dowlada Mareykana marmarsiyo ay  lacagta kaga celiso dowlada .
  • Midowga Yurub ayaa horay u sheegay in ay lacag dheeraad ah u haynin AMISOM iyo dowladda Soomaaliya. Midowga Yurub ayaa sheegay in hadii aan wax laga badalin siyaasada qalafsan ee ay ku socoto dowlada Soomaaliya  ayan lacag dheeraad ah siin doonin Soomaliya
  • Si waqti looga sii dhumiyo dowalda ayaa waxa qoraalka lagu sheegay in lagu kulmo shirka wasiirada ee ka dhacaya Washington DC, kaas oo lagu sheegay in uu ahaan doono “round table” oo micnahedu yahay waa shir kala warqaadasho oo aan go’aan ka soo bixi doonin. Hadii ay lacag siinayaa Soomaaliya ama ay  doonayaan in ay taageeraan qorshaha dowlada, go’aankaas uma baahno in shir wada sheekeysi ah loo aado magaalada  Washington
  • Ugu danbeeyntii hay’adda IGAD ayaan qayb ka ahayn qoraalka ka soo baxay beesha caalamka taas oo xanbaarsan macnooyin badan.

Hadaba qoraalka ka soo baxay beesha caalamka ee maanta waxa uu dhabarka ka toogtay qorshaha been abuurka ahaa ee uu watay Xassan Kheyre.

Qoraalka qaybtiisa danbe waxa uu fartiin u dirayay Madaxweyne Farmaajo  oo ah in uu isbadal dhaqso ah ku sameeyo hogaanka dowladiisa si dib loogu bilaabo lacagihii iyo kaalmooyinkii beesha caalamka horay u bixin jirtay?.

Beesha Caalamka aad ayaa ay ula socdaan xaalada Soomaaliya, waana ay u muuqataa in amniga dalka uu god ku sii dhacaya.. Marnaba lacag kuma bixinayaan xaalad been abuur ah iyo dacaayad aan Soomaliya ka saari karin xaalada adage e ay ku jirto.