Xaalada siyaasadeed ee Soomaaliya ayaa taagan meel aad u qariban waxaana muuqata in dowladda aanay diyaar u aheyn in aay danta shacabka u tanaasulo.
Xaalka waxaa uga sii daray tiro xildhibaano ah oo ku heyb ah madaxweyne Farmaajo oo xalay u tagay gudoomiyaha Baarlamaanka kuwaas oo isku dayay iney handadaan kadibna buuq ayaa ka dhashay goobta.
Xildhibaanada xalay u tagay Maxamed Mursal ka dibna handaday waxaa ka mid ah
1-Cali Yuusuf Cali Xoosh,
2-Cumar Ismaaciil Waaberi ,
3-Maxamuud Xayir Ibraahim,
4-Cabdullahi Bidhaan Warsame,
5-Abdishakuur Ali Mire ,
6-Cabdi Shire Jaamac,
7-Sahro Xaaji Xuseen,
8-Sagal C/risaaq Isaaq Biix.
Xildhibaanad Daarood ayaa ku cel celinayay “Mursaloow dhexdeena ha ku dhiman anagu waxaan is heynaa Hawiye, waana aragtaa sidaan dhulka u dhignay Abgaal iyo Habar Gidir”.
Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa u sheegay inuusan ku farxin ajndaha qabiiliga ah ee ula yimaadeen xildhibaanada Daarood, balse xaalka ayaa faraha ka baxay markii uu xildhibaan Xayir uu yiri “Niman gacmaha dhiig kula jira ayaa nahay ee danta Raxanweyn iyo midaada u nax”.
Gudoomiye Mursal ayaa amray in laga saaro xildhibaan Xayir goobta, kaas oo sidoo kale horey ugu gafay beelaha Digil iyo Mirifle, kulanka ayaana kadib buuq isku badalay. Waxaa ay aheyd ayaan daro in gudoomiyihii Baarlamaanka qabiil ahaan loo handado.
Xubnahaan waxey ka mid ahaayeen kuwa laga soo xulay guddi xildhibaano Daarood ah oo Farmaajo u xilsaaray iney mooshinkiisa kala fur furaan