Maxay ahayd arrinta yaabka leh ee lagu arkay Godadkii Difaacyada Alshabaab ee Ceel-hareeri..?

Reading Time: < 1 minute

Saraakiisha ciidamada ee ku sugan furimaha dagaalka ayaa sheegay arrin yaab leh oo lagu arkay Goobihii Difaacyada Alshabaab ee degaanka Ceel-Hareeri ee dagaalka culus ka dhacay Khamiistii.

Waxay sheegeen in Godadkii Alshabaab ku jireen ay ciidamada ku arkeen meydadka maleeshiyada Al-Shabaab oo lugaha isaga xiran silsilado, kuwaas oo Al-Shabaab ugu tala galeen inaysan dagaalka ka cararin, waxaana lau laayey toogasho iyo duqeyn.

“Dagaalkii ka dhacay Ceel Hareeri markii uu istaagay… waxay arkeen ciidamada arrin layaab leh oo ah maleeshiyadii Al Shabaab soo hubeeyeen oo toban toban iyo shan shan katiinad lugaha isaga xiran kuwaa oo dagaalka lagu dilay, taasi waxa ay daliil u tahay in wiilashaasi Shabaab soo raafeen ayna diidan yihiin in ay baxsadaan ayna uga gon leeyihiin in la dilo ” ayuu yiri afhayeen Jeneraal Caanood.

Wuxuu hadalkiisa intaas ku daray, Generaal Caanood in dagaalka ay qeyb ka ahaayeen dhalinyaro xoolo dhaqato iyo beeraley isugu jira oo la soo raafay oo dagaalka Khawaarijta qasab ku soo geliyeen.

Dhinaca kale waxaa baraha bulshada lahu baahiyey sawirrada meydadka Alshabaab ee dagaalkii Galhareeri, iyo maleeshiyada degaanka oo dushooda ku ciyaareysa. muuqaaladaasina kuma jirin dagaalamayaal Alshabaab ah oo silsilado ku xiran.