Deegaano hoostaga magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud waxaa lagu arkay diyaarado dagaal oo jawi hoose ku socda deegaanka docoleey oo 45km u jirta Magaalada Cadaadoe e gobolka Galgaduud taas oo casbi ku abuurtay Shacabka Magaaladaas.
Wararka aya shegaya in diyaaradahaas qaarkood ay duqeeyeen dhul baadiyo ah,isla markaana ay burburiyeen Geedo ay dadku hasran jireen taasina ay cabsi ku abuurtay Shacabka reer miyiga ee deegaanka Docoleey.
Cilmi Axmed Aadan jabuuti Guddoomiyaha Deegaanka Docolleey ayaa sheegay in Diyaaradaha Joogga Hoose Ku Socda ee lagu Arkay Deegaankaasi ay dhibaato ku hayaan Shacabka,isla markaana argagax ay ku rideen Shacabka iyo xoolaha intaba.
Waxa uu sheegay in diyaaradahaas oo aysan garaneyn halka laga leeyahay ay xadgudub ku yihiin deegaankooda,waxa uuna sheegay in todobaadkii mudo laba jeer ah ay deegaanka soo maraan mararka qaarna ay duqeeyaan dhulka Miyiga ah taasi ay Shacabka casbi ku abuurtay.