Wasiiru dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Maxamuud Xayir Ibraahim oo goobjoog Maanta ka ah Kulanka golaha Shacabka ayaa waxa uu Shacabka ku hadlay Afka Maayga raalli-gelin ka siiyay dhacdadii Isnintii ee kulanka Baarlamaanka.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Maxamed Candiraxmaan ayaa wasiiru Dowlaha ka codsaday in Kulanka golaha hortiisa uu ku raali geliyo Shacabka ku hadlay Afka Maayga oo uu qalad ka galay.
Maxamuud Xayir Ibraahim ayaa xildhibaanada hortooda ka sheegay in uu raali-gelin ka bixinaayo hadalkaas,waxaana isla goobta ku sugnaa oo raali gelinta ka aqbaly xildhibaan Fanax oo ahaa xildhibaankii Maalintii Isniinta Wasiirka afka maayga su’aasha ku weeydiiyay balse uu jawaab qaldan ka siiyay.
Isniintii markii Wasiiru dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Maxamuud Xayir Ibraahim uu jawan qaldan ka bixiyay su’aashii uu afka Maayga ku weeydiiyay xildhibaan fanax ayaa waxa ay Baraha bulshada ka dhalisay xiisad Cusub balse uu Maanta Raalli-gelin ka bixiyay.