Maxamed Xaashi Carabey oo sheegay in la burburinayo Maamulka Galmudug

Reading Time: < 1 minute

Maxamed Xaashi Carabey Madaxweyne Ku xigeenka Maamulka Galmudug ayaa waxaa uu rajo xumo ka muujiyay in xal waara laga garo khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Madaxda ugu sareysa ee Maamulkaasi.

Madaxweyne  ku xigeenka ayaa waxaa uu shaaca ka qaaday in cid xalinaysa Khilaafka Galmudug aanu jirin, islamarkaana mudada 7 Bilood ee harsan sidan ay ku dhamaanayso.

Khilaafka u dhexeeyaya Masuuliyiinta Maamulka Galmudug ayaa saaameyn ku yeelatay Shaqooyinkii ay qaban lahaayeen Hay’adaha Maamulka Galmudug, Tusaale ahaan Hay’adaha Fulinta iyo Sharci dejinta.

Tan iyo markii  la Magacaabay Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle  ayaa waxaa cirka isku sii shareerayay khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya  Madaxda Maamulkaasi.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!