Maxamed Xaashi Cabdi Carabay Oo Gaaray Deegaano Hoostaga Gobolka Galguduud

Reading Time: < 1 minute

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi Carabay ayaa  goordhow gaaray Magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud.

Wafdiga Madaxweyne ku xigeenka oo ka Ambabaxay magaalada Muqdisho ayaa lagu soo dhaweeyay Caabudwaaq.

Waxaa wali taagan Khilaafka  Madaxda Sare  ee maamulka Galmudug.

Isniintii ayay aheyd Markii Madaxweynaha Galmudug uu dib ugu laabtay Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.