Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo Ah Shaqsiga Xukuumada ugu Lolamayo Golaha Shacabka oo Isa So Sharaxay

Reading Time: < 1 minute

Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan Wasiirka Difaaca Soomaaliya hadana ah Mudane ka tirsan Baarlamaanka Golaha Shacabka ayaa maantan ku dhawaaqay inuu yahay Musharax u taagan xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Wasiir Mursal oo maalgalin ka heleya Xasan Cali Kheyre Raii’sul Wasaaraha Soomaaliya aya ugu danbeyn Shaaciyay in uu yahay Murashax u taagan Xilka Gudoomiyaha Golaha Shacabka iyado uu ka shaqeyn doono danaha Xukuumada Soomaaliya.

Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) oo horey u soo noqday Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa shalay ku dhawaaqay inuu yahay Musharax u taagan xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Loolanka Xukuumada aay kala kulmeyso Murashaxiinta kala duwan ee isi soo sharaxaya aya haatan bilowday waxana Magaalada Muqdisho ka socda olole Xoogan oo ka soconaya Hoteelada Magaalada Muqdisho.

Saaxibada Madaxtooyada Soomaaliya aya hada la filaaya in ay soo sharaxdaan shaqsiyadka ay danenayan in ay kensadan Kursigii uu baneeyay Jawaari,iyadoo uu durba isiso sharaxay Shaqsigii ay wateen Xukummada Xasan Cali Kheyre waxana hada loo hardamaya Afduubka Golaha Shacabka.