Maxamed Mursal oo lunsaday xaqii beesha Digil iyo Mirrifle ku lahayd Dowlada Federaalka

Reading Time: 2 minutes

Awooda Dowlada Federaalka ayaa waxa  lagu qaybsadaa 4.5, qaybsigaan ayaa ah mid shacabka Soomaaliyeed u arkaan qaabka u haboon ee looga gudbi kari dhibaatada ka jiraty dalka Soomaaliya.

Hadaba Beesh Digil iyo Mirrifle ayaa maalinba maalinta ka danbeeysaa waxa ay sii luminaysaa xaqii ama qaybtii ay ku lahaayeen dowlada Federaalka. Dhibaatada ugu hadda soo foodsaaratay beesha ayaa ah iyada oo laga mamnuucay in ay qabtaan hogaanka ama taliska ciidamada dalka.

Madaxweyne Farmaajo oo gabaad ka dhiganaya Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal ayaa u muuqda mid go’aan ka qaatay in beesha Digil iyo Mirrifle aan loo dhiibin hoogaanka ciidamada dalka.

Waxaa sanadkii hore taliye loo magacaabay  Xusseen Caloolkuus iyada oo la hoos dhigay Fahad Yasin. Xusseen waa iska casilay xilka cid la magacaabayna ilaa hadda ma jirto. Taliyihii ciidanka Asluubta shaqada waa laga ceyriyay waxaana lagu badalay Bashiir Goobe halka Taliyihii Booliska isna loo dhiibay Bashir America oo ka soo jeeda beesha Daarood.

Ilaa iyo hadda Beesha Digil Iyo Mirrifle banaanka ayaa la dhigay. Inkastoo go’aanka uu soo jeediyay Farmaajo laakiin talada waxa ay ka timid Xassan Kheyre oo ka hor yimid in qof ka soo jeeda beeshaas mas’uuliyad ciidan loo dhiibo.

Dhanka kale Beesha waxaa la dul dhigay Madaxweyne ayan iyaga soo dooran  oo laga maamulo Villa Soomaaliya. Wali la isma weydiinin xasuuqii ka dhacay Baydhabo iyo cidii mas’uul ka ahayd.

Shiikh Mukhtaar Roobow wali xabsi ayuu ku jira mana jirto  ama ma muuqato qorsho la doonayo in lagu sii daayo?.

Iyada oo daruufahaas ay beesha soo wajaheen ayaa hadana qofka labaad ee ugu awooda badan dalka Soomaaliya uu ka soo jeedo beesha Digil iyo Mirrifle.  Maxamed Mursal ayaa waxa uu noqday aalad uu istcimaalo  Xassan Kheyre oo uu ku  adeeto isaga oo aan dan gaar ah ka fushan ama aan u doodin xuquuqda ka maqan beesha uu ka soo jeedo.

Mid ka mida xildhibaanada ka soo jeeda beesha Digil iyo Mirrifle ayaa yiri. “…walaal ninka aad sheegeyso ma aha mid dareen bani’aadminimo ku jirto, waa nin cawaan ah oo lagu shaqeeysto…… dhib isaga uu gaarsiin beesha Digil iyo Mirrifle ma jirtio”.