Maxamed Finiin oo diiday xil kaqaadistii lagu sameeyay

Reading Time: < 1 minute

Waxaa ka jira Puntland muran xoogan oo ka dhashay dikareeto ka soo baxday Taliyaha Booliiska Puntland, Gen. Cabdi Yare Xasan Xuseen, taas oo xilka looga qaaday Taliyaha Ciidanka Ilaalada Wadooyinka Maxamed Finiin Yuusuf.

Amraka  uu soo saaray Taliye Cabdi yare, ayaa xilka looga qaaday Maxamed Finiin, waxaana xilkaas loo magacaabay Cabdifitaax Siciid Afrika oo kamid ah Saraakiisha Kulliyadda Tababarka Ciidamada ee Carmo. Wararku waxay sheegayaan, in Taliye Finiin uu diidanyahay xilka qaadista lagu sameeyay ,islamarkaana ku doodayo in aan hannaan sax ah loo marin, sidaas darteedna uusan xilka wareejinayn.

Dhanka kale, Taliye Finiin ayaa sidoo kale ku doodaya in madaxweynaha oo keliya uu xilka qaadis ku samayn karo, balse uusan Taliye Booliis awood sharci u layan arrintaas.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!