Guddoomiye kuxigeenka dhanka ammaanka iyo siyaasadda gobolka Banaadir Maxamed C/laahi (Tuulax) ayaa xalay dib u furay garoon kubada cagta lagu cayaaro ururka Al Shabaab ay xireen Lix bilood kahor, kaasi oo ku yaalla xaafada Juungal ee degmada Yaaqshiid.
Talaabada uu qaaday guddoomiye Tuulax ayaa waxa ay ka dambeysay kadib markii xalay isaga iyo saraakiil ciidan ay kormeer ku tageen xaafado ka tirsan degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir.
Wuxuu sheegay in Ururka Al Shabaab aysan ka talin magaalada Muqdisho, taasi bedelkeeda ayuu amar ku bixiyay inaan garoonkaas dib dambe loo xiri karin.
Guddoomiye kuxigeenka dhanka ammaanka iyo siyaasadda gobolka Banaadir ayaa sheegay hadii garoonkan uu xirmo in wax laga weydiin doono taliska booliska qeybta Bari iyo maamulka degmada Yaaqshiid.
“Waxaan lug ku soo marnay xaafado badan, sidii aan u soconay waxaan ku soo dhacnay garoonkan oo sida la ii sheegay xirnaa Lixdii bilood ee u dambeysay, waxaan xiray nimanka nabad-diidka ah oo dadkii garoonkan lahaa telefoonka kala soo hadlay, waxaa masuuliyad naga saaran dhalinyarada inay helaan amnigooda iyo goob ay ku cayaaraan”. ayuu yiri guddoomiye Tuulax.
Amarada ay soo saaraan Al Shabaab ayaa si toos ah wuxuu uga dhaqan galaa degmooyinka Gobolka Banaadir, sida bixinta canshuurta ganacsatada iyo fulinta awaamiirta kale ee Shabaab ay ku soo rogaan dadka Muqdisho, xilli dowladda ay maamuleyso magaalada.