Dhaxal Sugaha Sucuudiga, Maxamed Bin Salmaan ayaa maanta khadka telefoonka kula hadlay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed. Maxamed Bin Salmaanataa waxaa uu uga mahadceliyay Abiy Axmad kaalinta uu dalkiisa ka qaatay dib u heshiisiinta dhinacyada isku hayo dalka Suudaan, sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ee dowladda Sucuudiga.
Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa garwadeen ka ahaa dadaallada lagu heshiisiinayay mucaaradka iyo militariga Suudaan. Abiy oo ku sugnaa goobtii ay heshiiska kama dambeysta ah lagula kala saxiixday, waxaa uu ugu baaqay shacabka Suudaan inay ka shaqeeyaan nabadda isla markaasna la xoojiyo dadaallada dimuqraadiyadda.
Golaha militariga Suudaan iyo mucaaradka ayaa Sabtidii kala saxiixday heshiis kama dambeys ah oo dalkaas looga dhisayo dowlad kumeel gaar ah.
Xiriirka u dhaxeeya Itoobiya iyo dalalka Sacuudiga iyo Imaaraadka ayaa maraya meeshii ugu sareeysay. Dowlada Sacuudiga iyo Imaaraadka ayaa balan qaday in dhaqaale badan ku bixin doonaan meel marinta heshiiksii Khartuum.