Maxamed Aadan Tiicey oo Xaaf Iyo Shaakir ugu Baaqay Badbaadada Maamulka Galmudug

Reading Time: < 1 minute

Madaxweynihii hore ee maamulka Ximin iyo Xeeb Maxamed Aadan Tiicey oo ka hadlayay xaflad soo dhoweyn ah oo loogu sameeyey magaalada Cadaado ayaa ka hadlay Xaalada Siyaasadeed ee Maamulka Galmudug.

Waxa uu soo hadal qaaday khilaaf siyaasadeed ka jira deegaannada Galmudug, isaga oo ku baaqay in la xalliyo wax walbo islamarkaana jiritaanka Galmudug tahay Muqaddas.

Tiicey ayaa ugu baaqay beelaha 11-ka ah ee ku midoobay dhisitaanka Galmudug iney isku yimaadaan oo ay ka tashadaan badbaada Galmudug.

“Waxaan aaminsanahay Galmudug in ay tahay muqaddas, aniga kama bixi karo idinkana kama bixi kartaan, balse waxaa xaqiiqo ah 11-kii qabiil ee ku midoobay Galmudug iney dhibaato jirto, marxalad siyaasadeed oo qasan jirto, qaabkii looga bixi lahaa loona badbaadin lahaa Galmudug waxay u baahan tahay maskax iyo feker qoto dheer, waxaan qabaa in dadkii dhistay Galmudug isku yimaadaan kana tashadaan sidii ay Galmudug u badbaadin lahaayeen” ayuu yiri Tiicey.

Tiicey ayaa u sheegay cid walbo oo reer Galmudug ah in ay ka qeyb qaadato jiritaanka iyo badbaada Galmudug.