Maxakamadda Cabdiraxman C/Shakuur oo ay Suuragal tahay in looga Yeero Safiirka Imaaradka, Al Hammadi

Reading Time: 2 minutes

Maanta ayaa mar kale la isugu soo noqonayaa maxakamaddii loo ballamiyey Cabdiraxman Cabdishakuur oo ay dawladda si xoog ah ugala soo baxday gurigiisa, kadib markii ay laayeen ilaaladiisa, kuwaas oo ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka Somaliyeed qaybta ilaalisa madaxda iyo siyaasiyiinta Somaliyeed.

Cabdiraxman waxaa maalintii shalay ahayd uu diiday in damaanad lagu sii daayo waxaanu ku adkeystay in dambiga loo haysato lagu caddeeyo ama la sii daayo isagoon wax dambi ah lahayn.

Xeer ilaalinta waxay ku doodeysaa in Cabdiraxman Cabdishakuur uu la shaqenayey dalka Imaardaka Carabta oo ay dawladda ku eedeyneyso inay maaligelinayaan kooxo burburinya qaranimada Somaliya, walow aysan dawladda xiriirka u jarin dalka ay ku eedeyneyso inuu faragelinayo arrimaha gudaha ee Somaliya ama aysan ka soo saarin wax digniin ah.

Madaxweyne Farmaajo waxaa uu doorashada ku galay lacag laga soo qaaday dalka Qatar, taaso uu soo qaaday Fahad Yasiin iyadoo aan wax dambi ah loogu haysan maadaama uu yahay ninka sida dadban dalka uga maamulaha daaha gadaashiisa, kana dambeeya khaldaadakan ay dawladdan Farmajo iyo Kheyre sida  joogtada ah  u gasho taas oo ay ugu dambeysay in la xasuuqo ciidan Ilaalo inay noqdaan loo diray.

Xog dheeraad ah oo aynu ka hellay qareenada difaacaya Cabdiraxman waxay shegeysaa inaysan waxba ka jirin eedeymaha dawladda  si lo cadeeyana ay gaari doonaan  ugu gunta dambeysa falkan been abuurka ah.

Qareenadu waxay ballan qaadeen inay la xiriiri doonaan dawladda imaaradka haddii loo baahdo oo ay keeni doonaan caddeymo iyo iyagoo marqaati ahaan ugu yeeri doonaan maxkamadda horteeda  Safiirka Muqdisho u fadhiya imaaraad Mudane Mohammed Ahmed Cuthman Al Hammadi

Haddii ay taasi dhacdana waxaa suuragl ah in xiriirka Somaliya iyo Waddamada khaliijka uu dhaawac weyn soo gaaro kaasoo awalba ulo booc ah ku tukubayey, waxyna dhibaato xoog leh ku keeni karta ganacsiga ay Somali badan ku leedahay dalka Imaaraadka.

Sida la ogyahay walalaha Imaaradku waxay ahaayeen dalkii kaliya ee markii ganacsiga iyo xawaaladaheenna addunka laga joojiyey u oggolaaday inay dalkooda ka shaqeeyaan iyagoo dhegaha ka fureystay cadaadis badan oo dunida galbeeka uga imanayey ee ahaa in la joojiyo xawaaladaha Somaliya. Sidoo kale waxay dalka ka fuliyaan mashariic dhowr oo hadda waxay Somaliya u tababaraan ciidanka xooga dalka Somaliyeed. Imaaradka waxaa waligood u kala soocnaa marka Somaliya laga hadlayo siyaasadda iyo walaalnimada oo walaalnimada waa la weyneyd, walina la weyn tahay. Hadda oo ay madaxdeennu Qatar ku daba dukadeen wali xiriirka nomen jaren, mucaawinona nagame jaren.