Maxadan ogeyn oo Manta Ka Jira Gobolka Gedo

Reading Time: < 1 minute

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa howlgallo amniga lagu xaqiijinayo waxay ka wadaan degmada Baardheere ee gobolka Gedo.
Sarakiil ka tirsan ciidanka dowladda ee ku sugan Baardheere ayaa sheegay in ulajeedka howlgalkaan yahay sidii loo xoojin lahaa ammaanka iyo kala dambeynta magaalada.
Waxa ay shegayn in kaliya howlgalkaan aanu ku ekeen degmada Baardheere ee sidoo kale ay gaaraan deegaannada kale ee ku dhow degmadaasi.
Sidoo kale waxa ay sheegayn inay jiraan rag ay ku soo qabteen falalka amni darro, isla markaana ay haatan ku wadaan baaritaanno.
Maalmihii ugu dambeeyay waxaa degmada Baardheere ka dhacayey falal amni darro ah, sida qaraxyo iyo dilal.