Wararka saakay laga helayo deganada maamulka konfur galbeed aya shegaya in Ciidamada Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya ay u diyaar garoobeen dagaal ka dhan ah xarakada Al-shabaab oo ay ka fulinayaan Gobolka Bakool.
Ciidankan oo lagu tababaray degaannada Maamulka Koofur Galbeed iyadona loo diyaariyay in Al-shabaab ay ka saaraan degaannada ay kaga suganyihiin gobolka Bakool.
Shariif Xasan Sheekh Aadan Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed ayaa horay u sheegay in Al-shaaab ay go’doomiyeen degaannadaas islamarkaana aysan mas’uuliyiinta maamulkaasi mari karin dhulka,taas oo uu sheegay in uu laabahnyahay in la soo gaba gabeeyo.
Deeganada Koofur Galbeed waxaa ku sugan Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo Ciidamo uu wato ay ku suganyihiin isla Gobolka Bakool halkaas oo uu isna ka wado dhaq dhaqaaq ka dhan ah Al-shaabab.