Maxaa kajira in Ciidamada Maamulka Jubbaland ay fariisin ka sameysteen magaalada Mandera

Reading Time: < 1 minute

Waxaa lagu soo waramayaa in Ciidamo ka tirsan Maamulka Dowlad Goboleedka Jubbaland ay fariisimo ay ka sameeysteen  magaalada Mandera ee gobolka Waqooyi Bari, dalka Kenya.

Wararka ayaa sheegaya in taasi ay walaac xoogan ku abuurtay shacabka ku dhaqan gudaha magaaladaasi.

Sidoo kale ciidamada dowladda ayaa dhankooda dhaq dhaqaaq ciidan iyo abaabul culus ka wada magaalada Beledxaawo ee gobolka Gedo.

Xaaladda ayaa haatan si aad ah u kacsan, waxaana dadka deegaanku ay cabsi xoog leh ka muujinayaan in dagaal uu ka dhaco degmadaasi.