Maxaadna ogeeyn oo saakay ka cusub Magaalada Baladweyne

Reading Time: < 1 minute

Shalay waxaa cabasho ballaaran ay kasoo yeertay qaar ka mid ah wariyeyaasha Magalada Baladweyne taas oo ku aadan in laga celiyay goob lagu xusayay 75 Sano-guuradii kasoo wareegtay Aas-aaska Ciidanka booliska Soomaaliyeed.

Laamaha amniga Gobolka Hiiraan ayaa ka jawaabay cabashadaas,iyaga oo sheegay in aan waxba ka jirin warka kasoo yeeray qaar ka mid ah Wariyeyaasha Magalada Baladweyne.

Taliyaha Ciidamada xasilinta ee Magalada Baladweyne Dhame Carab Nuur  oo la hadlay Warbaahinta  ayaa sheegay inaysan jirin cid laga celiyay munaasabadii shalay ee Magalada Baladweyne.

Waxa uu sheegay in Wariyeyaasha ka howlgalla Baladweyne ay yihiin kuwo kooban oo badi la wada garanayo,isla markaana dhammaan wariyeyaasha ka socday Idaacadaha iyo Tv-yada ay munaasabadaas ka qeyb galeen.

Wariyeyaasha Magalada Baladweyne ayuu sheegay in Maamulka ay tixgelin weyn ka heestaan,sidaas daraadeedna aysan jirin cid caburin lagu haayo.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!