Maxaadna ogeeyn oo Magalaada Muqdisho ka Socda”Shacabka oo Yaaban”

Reading Time: < 1 minute

suuqyada waaweeyn ee magaalada muqdisho ee caasimada dalka ayaa waxaa maalmihii danbe lagu soo daadiyay ciidamo hubeyssan kuwaasi oo ku libisan dareeska ciidanka minishiibiyo kuwaasi oo qaadaya lacago baad ah balse lagu sheegay iney yihiin lacagaha canshuurta ee dowladda hoose ee xamar ay ka qaado ganacsatada suuqyada muqdisho.

ganacsatada yar-yar ee ku ganacsata suuqyada magaalada muqdisho ayaa si’aad ah uga cawday ciidamadan xiran dareeska dowladda balse sida bareerka ah u dhacaya kuwaasi oo sida ay sheegeen hortaagan nolol maalmeedkoodii ay usoo baxeen.

ganacsatadaan waxa ay sidoo kale ay ka dhawaajiyeen in cidii diida bixinta lacagaha ay dalbanayaan ciidamadan xiran dareeska minishiibiyada ay jir dilaan iyagoo si xooga uga qaada lacagaha ay marki hore ay diideen bixintooda.

sikastaba ha ahaatee arrintan ayaa kusoo aadeysa xilli muran ba’an uu ka dhex jiro ganacsatada soomaaliyeed iyo dowladda taasina ay keentay in ay ciidamo hubeysan ay ganacsatada yar-yar ay ka qaadaan lacago baad ah kuwaasi oo aanan xamili karin lacagaha ay qaaadayaan ciidamada